Saturday, 16 January 2021

UMUL RAACA

 

Umul raaca

Umul Raacu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha looga beegaalka qaato horumar bulsho. Haddii xaddiga dhimashada hooyadu uu badan taas macnaheedu waa dhibaato badan iyo horumar la’aan ayaa jira. Haddii uu yaryahay umul raacu taas waxay muujinaysaa jiritaan daryeel caafimaad oo ku fidsan illaa dhulalka fogfog.

Qosaska soomaalida intooda badan ma sameyaan in ay ilmaha kala dhereeyaan oo waqti u kala dhaxaysiiyaan ama qorshe u sameeyaan. Dumarka waxay la kulmaan dhibaatooyin badan marka ay ilmaha aad is kugu dhawyihiin, xitaa waxaa dhacdo in ay nafaqo darro soo wajahdo. Dhibaatadas qofta la kulmeyso waa hooyada, marka hooyada dhasho waxay u bahantahay xannaano fican   iyo nafaqo maxaa yeelay waxay u baahantahay in ay soo kobsato. Inta ay cunugga   nuujineyso iyada waxa ay u baahantahay taxadar fara badan, ugu yaraan waa in ay hooyada labo sano heshaa ama ka badan. Marka waa in ay hooyada fahantaa micnaha naaska loo nuujinaayo labo sano. Hooyooyin qaar waxay sameyaan ilmaha in ay naska ka jaraan iyagoo nuujin wakhtiga lagu kala galay.

Dhibaato Intee Le’eg ayeey kala kulmaan?

Dhibatada ugu badan waxay kala kulmaan marka ee dhasho  iyadoo cunuga labo sano gaarin in ay uur kale qaaddo laga yaabaa umusha marka ay a baxdo in ay uur qaaddo, waad daremaysaa dhibatada ay leedahay iyadoo nafaqo badan helin  oo laga yaabo in ay dhiig la’aan tahy, in ay cunuggii kale ay dhasho. Marka waxaa meesha ku dayacmaya ilmihii hore maxa yeelay hooyada iyadoo so kobsan ama nasan markay ilmo isku-nuug ah korineyso wakhtiga ayaa wuxuu ku noqonaa ciriiri, wayna adag tahay in ee ilmahaas helaan korriimo fiican.  

Qorshe xumada qoyska Soomaalida

Waxaa dhihi karnaa qorsha xumada qoyska soomaalida, waxaa laga dhaxlay dhibaato aad iyo aad u fara badan, haddii ay noqoto in ay hooyada dhiig la’aan ku dhacdo ama umul raacdo (dhimato), taas oo la micno ah in hooyada marka ay dhasho ay dhimato cunugguna uu badbaado ama mararka qaar waxaa dhacda xitaa cunuga in uu saqiiro oo uu raaco, hooyadiis uusan waxba ka dambayn, waxaas oo dhan  waxaa u sababayn karnaa, qorshe xumada reerka.                                  

 

 Maxay dumarku u dhintaan?

     

Waa weyddin aan badnaa cidna isweyddiin se mudnayn in wax badan laga fakaro oo la falkiyo xal suuragal ah. Dumarku waxay u dhintaan dhibaatooyin ka dhasha uurka iyo dhalmada kadib. Dhibaatooyinkaan badankood waxay soo ifbaxaan xilliga uurka inta badanna waa laga hor tagi karaa ama la daaweyn karaa. Dhibaatooyinka kale way jiri karaan uurka kahor laakiin way ka sii darayaan inta lagu jiro uurka, gaar ahaan haddii aan lagu maamulin qayb ka mid ah daryeelka haweeneyda. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira dhammaan dhimashada hooyada waa saddex (3):

ü Dhiig-bax daran (inta badan dhiig-bax dhalmada kadib)

ü Caabuqyada (badanaa dhalmada kadib)

ü Dhiigkarka inta lagu guda jiro uurka (pre-eclampsia iyo eclampsia)

 

Sidee nolosha dumarka loo badbaadin karaa?

Inta badan dhimashada hooyada waa laga hor tagi karaa, maadaama xalalka daryeelka caafimaadka ee looga hortagayo ama loo maareeyo dhibaatooyinka la og yahay. Haweenka oo dhami waxay u baahan yihiin inay helaan daryeel tayo sare leh oo fidsan gaari karana meelaha fogfog marka ay uurka leeyihiin iyo dhalmada ka dib. Caafimaadka hooyada iyo caafimaadka ilmaha dhasha ayaa si dhow isugu xidhan. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in dhalashada oo dhami ay ka soo qayb galaan xirfadlayaal caafimaad oo xirfad leh.

 

 

W/Q:  Hamdi Ali Farah

 

7 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  3. Waad mahadsantahay qoraa. Waan qoraal muhiima ah se inteena xayn daabka waxbarashada ku jirta la doonayo inaynu xal u raadino. Dhawr qodob ayay walaasheen qoraalka ku tibxaaday oo muhiim ah
    1. Goobaha caafimaadka oo aad u yar meelna aan jirin.
    2. Tayda adeegyada caafimaadka iyo kalkaaliyaasha caafimaadka oo xirfadoodu liidato.
    3. Qorsha la'aan qoyska ka jirta ah ahaato kala koritanta caruurta ama nafaqaynta hooyada.
    Hadaba Qoraal
    Hamdi Ali dhibtii noo sheegtay maxaa inoo xal ma sidaa ayaynu ku soconaa???

    Mahadsanid qoraa

    ReplyDelete
  4. Waa qormo wanaagsan bulshadana ubahantahay in lagu baraarujiyo

    ReplyDelete

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...