Thursday, 26 November 2020

Tacadiyada caadooyinka soomaalida laga dhaxlay ee gabadha soomaaliyeed dulhoganaya iyo kaalinta ay bulshada ku leedahay.

 Tacadiyada caadooyinka soomaalida  laga dhaxlay  ee gabadha  soomaaliyeed dulhoganaya iyo kaalinta ay bulshada ku leedahay.

Marka hore salaam guud oo kal iyo lab ah iga gudooma marka xigga qoraalkani waxa uu daba socdaa maqaalkii hore ee ahaa dhaqan ,caado iyo hidde haddaba sida kan ka muuqata ciwaankiisa waxa aynu kaga hadli doonaa qaar ka mid tacadiyada caadooyinka lakala dhaxlay ah ee haweenka soomaaliyeed lagula kaco siiba yasitaanka haweenka iyo sida loo dhaadan yahay kaalinta ay inanta soomaaliyeed  bulshada kaga jirto akhris wanaagsan.

Sida aynu wada ognahay bulsho kastaa waxa ay  ku tiirsan tahay ee lafdhabarta u ahi waa haween, bulshada aan haween u dhaqdhaqaaqin waa bulsho ay wax badan ka dhiman tahay maxaa yeelay haweenku  waa aasaas ka nolosha , sidaas iyada oo ah ayaa haddana dumarka soomaaliyed dhibaato badan ay la kulmaan, hadday ahaato in la liido oo la dhalaceeyo ama in laga horjoogsado loona diido inay aqoon yeelato iyadoo weliba lagu sii leeyahay erayo niyadjab u sii kordhinaya sida  “waxbarasho naag jiko ayaa u danbeysa”, qaar ayaa fursad u hela in ay waalidkoodu  waxbaraan kuwaasna kuwaa laftoodu dulmi ayay ku qabaan waxbarashadaa oo wiilkii iyo iyada oo isku mar yimi ayaa lagu amrayaa in ay wiilka wax u diyaariso oo cunada u soo dhigto, guriga ka nadiifiso, dharka u dhaqdo waana dulmi halkii u dambaysay in qof qof loo gumeeyo ay isku xuquuq yihiin diintuna ay isku mid ka dhigtay halka wiilku markuu sidaas iyadoo ah oo shaqadii guriga ku foogan ayay midmid gabdhaha  wax u baratay ka firfircoon yihiin wiilasha oo badi ayba dhibcaha imtixaanka ka sareeyaan wiilasha markaasaa haddana aqoonteedaasi aflagaado u soo jiidaa oo lagu dhaleeceeyaa.

 Waxa aad karaysaa gabadh lix jir ah oo sida ay u shaqaynayso aad yaabayso oo aad ka naxayso mararka qaarna aad is oranayso waaba xamaal meesha ay ka shaqaynaysaana ay tahay gurigii ehelkeeda ee loo baahnaa inuu ka fekero xuquuqdeeda balse aysan ka helayn daryeelkii ay u baahnayd ee dhalaanimo taasina waa cuqubo laga gelayo da’yarta soo koraysa ee gabdhaha ah inta silicasi jirona ma noqonayno bulsho hanaqaada oo korta.

Gabdhaha cadaalad darada lagu hayo mid inta lagu so koobi karo ma’aha, marwalba waxa ay la kulmaan tacadiyo farabadan kufsigu ha ugu daraadee balse  noloshu halka ay ka soo bilaabmantaa waa qoys haddii qoyska dhexdiisa xuquuqdii gabadhu ku dayacan tahay sidee baa ay mel kale xuquuqdeeda uga helaysaa.?

 Tacadiyada hablaha lagula kaco maadaama qofkasta oo dumar ahi ay gabadhnimo soo marto wax aka mid ah in la yidhaahdo gabadh baad tahaye waxba ha sheegin,oo la caburiyo loona diido inay fikirkeeda cabirto ileen waa bini’aadame oo dhegteeda afkeeda iyo isheedaba la daboolo markaa qofkaa isagoo nool haddii laga xiray inuu hadlo oo fikirkiisa cabiro oo la yiri hoos fiiri sidii adoonta indhaha kor ha u taagin oo adduunyada ku hortaala ha daalacan dhegteediina la xiray oo la yiri “ naa kac naag baad tahaye” miyaanay qof agnaan ah noqonayn.

 

Kaalin intee le’eg ayay  kaga jiraan bulshada soomaaliyeed gabdhaha.

Kaalin aad iyo aad u mug weyn ayey kaga jiraan gabdhuhu bulshada soomaaliyeed, waxa aynu soo marnay dagaalo aad u farabadan oo waliba qax iyo dhib badan  la maray intaas waxa  maray waa haween oo habeen iyo maalin ba u  taag naa dhibtaa cidda qixinaysayna waa  ragg. waxa sii dheer in ay kaalin weyn ka qaateen dhinac kasta oo nolosha ah  had ahaato ganacsi ama barbarin ama nabad, saas ee tahay marna mee niyad jabin oo xalad kasta wey wajahayeen weena u diyaar sanaayeen run ahaanti haweenka soomaaliyed waxaa la dhihi karaa kaalin weyn ayeey kaga jiraan calamaka, waxee mudan yihiin in la bogaadiyo oo la dhiira galiyo libintooda la siiyo, run ahaantii haweenka soomaaliyed waa hawlkar, sidoo kale waxa ay a kaalin muuqata uga jiraan hormarinta waxbarashada,  dhaqaalaha,dalka iyo dadka IWM.  

Inkastoo ay yihiin cududda iyo aasaaska qoyska haddana tiro ahaan iyo tayo ahaanba si mug leh ugama dhex muuqdaan dhaqaalaha iyo siyaasadda, dhanka waxbarashada way ka muuqdaan ilaa heer jaamacadeed sidaas oo ay tahay kuma badna halka bulshada maanta la oran karo boqoleyda labka iyo boqoleyda dhediga boqoleyda dhediga ayaa badan waxa taa sii dheer  Goobaha shaqada iyo shaqaalaysiinta ma helaan waxay mudnaayeen.

Waxaa jira ganacsiyo yaryar oo badan oo ay maamulaan haween kuwaas oo  nolol maalmeed uga raadiya  qoysaskooda iyo ilmohooda markii raggu ay gabeen kaalintii daryeelka qoyska, tiradaasina ma badna oo way ku yar yihiin  ganacsiyada waaweyna waa hal iyo laba haweenka.  

Dhanka siyaasadda waxaa jira wax xoogaa horumar oo ay dumarku ka sameeyeen waana markii ay raggu kaalintoodii gabeen ee ay I jiid aanku jiidee ka dhamaan waayeen balse halkii la rabay ma aanay gaarin sida dadlaka horumaray ay haweenku ugu hogaamiyeen guusha ayaan hubaa in haweenku ay maanta soomaalida dhibka haysta uga samata bixin lahaayeen.

 Dumarku waxa ay aasaas u yihiin jiritaanka qoyska la'aantoodna  qoys ma jireen, sidaas oo ay tahay haddana isla dumarka gabadha waxbaraty iyo ta kale ma sina “Qofka gabadh wax baraa qoys dhan ayuu waxbaray” mar haddii  bulshada haweenkeedu dhisan yahay bulshadaasi way horumartaa maadaama haweenku ay aqoon leeyihiin, bal ka waran qoyska hoyadu aqoonta leedahay iyo qoyska ay hooyadu jaahilka tahay isku si uma dhisna labadaa qoys.

haddaba kaalinta ay kaga jiraan bulshada soomaalida waxa aynu  dhihi karnaa waa ubucda oo ah halka ugu muhiimsan lama dhaadana oo tacadiyo ka dhan ahbaaba loo geystaa.

 

W/Q: Hamdi Ali Farah. 


Ku Mahadsanid aqrintaada. 

No comments:

Post a Comment

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...