|
Buugga magaciisa: The 7 Habits of Highly Effective People.
Buugan waxaa qoray Stephen R.Covey milay ku abaaran 1989, taariikhda maraykanka marka laga hadlayo iibsiga buugta waqtigaas ilaa iyo hadda waa buugga loogu gadashada badan yahay, is la markaana ugu horeeya buugta lagaga hadlo xagga hogaaminta iyo horumarinta nolosha shaqsi ahaaneed, in ka badan labaatan milyan oo koobi ayaa la iibsaday goor hore,Waxa uu na ka kooban yahay toddobo cutub oo mid walba dhowr u sii kala baxo; Waxa uu na ka hadlayaa toddobada caado ee ay leeyihiin dadka waxtarka leh.
War bixin kooban oo ku
saabsan qoraaga (Stephen R.Covey wuxuu dhashay 1932 dhintayna sannadkii
2012 wuxuu ahaa aqoonyahan aqoonyahan, qoraa iyo ganacsade)
FG: qodobada aan kula
wadaagi doono kaliya kuma koobna buuggu.
Gudagalka buugga
gudihiisa.
Stephen R.Covey wuxuu uga hadlayaa toddobo caado ee leeyihiin dadka wax tarka leh.
Wuxuu ka waramayaa oo uu leeyahay dadku waxay maraan saddex marxaladood.
• Marxalad koowaad: waa mid qofku uu ku tiirsanyahay dad kale, waa marxalad marka uu qofku soo kacaamayo uu ku tiirsanayahay waalidkiisa ama qaraabada iyo ehelkiisa; waa xilliga ay cid kale gacanta ku hayso sababtuna ay tahay da’da qofka oo yar.
• Marxalada labaad ayuu qofku soo gaaraa oo ah xilliga uu qofku isagu isku tiirsanaado.
•Marxalada labaad marxalada saddexaad ayay usii gudbisaa oo ah in dadku isaga ku tiirsanaadaan isaguna dadka ku tiirsanaado marxaladanina waa mid ay dadku isku wada tiirsanyihiin oo iskaashadaan.
Haddaba marka aynu intaa kaga soo gudubno marxaladaha sida caadiga aadanuhu maro aynu u gudubno toddobada caado ee ay leeyihiin dadka waxtarka leh oo qoraagu buugiisa kaga waramay.
Si guud bal aynu toddobada caado u kala qaad-qaadno si aynu u soo dhoweyno fahanka.
·
Saddex caado oo ka mid ah wuxuu
kaga warramayaa inuu qofku isagu isku tiirsanaado.
·
Saddex kalena wuxuu kaga
waramayaa dadka iyo xariirkooda iyo sidii la isu kaashan lahaa ee qofku wuxuu
doonayo nolosha dadka uga kaalmaynsan lahaa.
·
Caadada toddobaad waa mid xiriir la
leh lixda caado ee kale ee aan soo dulmarnay.
1.
Caadada ugu horeyso oo buuga ku
jirto waxaa weeye .
Qofka in uu noqdo
fal-curiye waxa uu doonaayo sababa, hirgaliya oo horseeda.
Waxaa cagsigeeda ah
inuu qofku noqdo falceliye oo isagu uusan noqon qofka ficilka la yimaada balse
keliya uu ahaado dhursuge ka falceliya sida ay wax u dhacaan, dadka jaadkaa ahi
waxa ay leeyihiin calaamado ah inay dadka kale ku eedeeyaan waxyaalaha
noloshooda ku dhaca wax kastoo la soo dersana waxa ay u raadiyaan marmarsiiyo.
Badanaana waxa ay ku foognaadaan ama ku mashquulaan wax aysan waxba ka qaban
karayn.
Stephen R.Covey. wuxuu
leeyahay waxaa jirto laba goobo oo nolosha ah oo kala ah:
A.
waxyaalo qofku aanu waxba ka qaban
Karin oo ah kuwa uu inta badan ka falceliyo diiradana saaro waqtigiisana ku
lumiyo.
B.
Waxaa jirta goobo kaleoo tan kore
ku hoos jirta am aka yar qoraaguna waxa uu u bixiyaya “waxyaalaha uu qofku wax
ka qaban karo” Stephen R.covey waxa uu leeyahay dadka fal-curin ku sameeya
noloshooda ee waxa ay doonayaan abuuraa iyagu inta badan waxa ay waqti geliyaan
inay diirada saaraan goobta ay wax ka qaban karaan.
Stephen R.covey isagoo qoraalkiisa sii wataa waxa uu odhanayaa sidatan:
“nolosha waxaa jira waxyaalo aadan waxba ka qabin Karin tusaale: waxba kama qaban kartid haddii shaqo la’aani jirto balse waxaad waxka qaban kartaa inaad adigu aqoon isku hubeysid oo fursado abuuratid.
Tusaale kale: wax ba
kama qaban kartid sida ay cimiladu tahay balse waxa aad qaban kartaa inaad
naftaada u diyaarisid sidii cimilada ay ula jaanqaadi lahayd.”
Qoddobkaa intaan laga bixin qoraagu waxa uu muujinayaa muhiimada ay leedahay masuuliyada naftu “ qofka inuu ka noqdo naftiisa boqolkiiba boqol waxa ay ka mid tahay waxyaalaha tilmaamaya inuu qofku qaangaaray”
2. Caadada labaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: inuu qofku dejiyo waxa uu doonayo oo uu nashqadeeyo una fekero yoolkiisa ama hadafkiisa maadaama uu masuuliyadii noloshiisa madaxa ku qaatay. Ka sokow qadarka rabi waa inuu qofku sii qoondaystaa waxa uu mustaqbalka rabo inuu noqdo heerka uu rabo inuu nolosha ka gaadho waana inuu la yimaado mabda’yo uu ka duulo oo xaqiijintooda isu taago kuwaas oo noqonaya marjica uu alaabto ee noloshiisa isna weydiiyo markasta maxaad u taagan inaad ka dhabayso. Tusaale: hogaamiyuhu wuxuu ka waramaa mudada uu xilka hayo halka uu doonayo inuu dalka gaadhsiiyo oo uu uraro.
Taa miyaanay ka muhiimsanayn inu qofku shaqsiyan noloshiisoo dhan hadaf u dhigto iyo yool uu doonayo inuu gaaro.
Stephen R.covey waxa uu leeyahay wax walba waxay abuurmaan labo jeer
- Mar waxaa lagu abuuraa maskaxda oo
wixii waa fikrad iyo qofku wuxuu doonaayo oo uu sawirto.
- Mar
ka labaad waxa weeye inuu wixii uu sawirtay uu dhaqan geliyo oo sameeyo
xaqiiqona u bedelo humaagii maskaxdiisa.
3. Caadada saddexaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: qofku inuu mudnaanta koowaad siiyo waxa leh mudnaanta.
Waxa uu leeyahay
qoraagu waxyaabaha nolosha maalin oo dhan aynu qabano waxa lagu soo ururin
karaa afar qaanadood (khaanadood).
·
qaanad uu leeyahay “ waa wax muhim
ah oo deg-deg ah”
·
qaanada labaad oo uu leeyahay “ waa
wax muhim ah oo aan deg-deg ahayn”
·
qaanada saddexaad oo uu leeyahay “
waa wax deg-deg ah laakiin aan muhim ahayn”
·
qaanada afraad oo uu leeyahay “ waa
aan degdeg ahayn muhimna ahayn”
mar hadday sidaa kala yihiin qoraagu waxa uu leeyahay “ waxa aad u qaabaysa hab aad sida ay u kala mudan yihiin u eegayso ama u fiirinayso iyo sida hadafka aad kala leedahay kala yahay.
4. caadad afraad ee ku jirta buuga waxa weeye: qofka inuu u fakaro hab ku saleysan dadka inuu isaguna guuleysto dadka kalena guulaystaan.
Halkan waxaa inooga
bilaabmaya saddexdii caado ee ku salaysnayd in dadku isku tiirsanaadaan
oo uu qofku ka soo gudbo heer isaga iyo naftiisa oo keli ahi isku tiirsan
yihiin oo uu usoo gudbo in dadka kalena isaga ku tiirsanaadaan isaguna sidaa si
lamida dadka ku tiirsanaado.
Waxa waaajiba inuu
qofku ogaado qoddobadan hoos ku xusan si uga midha dhaliyo habka isku
tiirsanaanta inagoo eegayna hababka ay dadku uga fekeraan qoddobka is gacan
qabashada ama isku tiirsanaanta.
- Waxkasta oo aynu doonayno in aynu
nolosha gaarno waxay ku xiran tahay cidkale.
- Wuxuu leeyahay qoraagu “qofku waa
inuu u fekero hab ah inuu isagu guuleysto dadka kalena guulaystaan.”
- Wuxuu leeyahay qoraagu “dadka
qaarbaa u fekero keliya anigu aan guuleysto dadka kalena waxba igama gelin
taasina ma haboona”
- Haddii qofku uu keligii noolaade
noqdo oo isku tiirsanaanta dadka dhexdooda uu iska indho-tiro waxa laga
yaabaa keli socod nimadiisu inay mudo yar u shaqayso balse aysan waarin.
- Dadka qaarbaa u fekera haddii aanan
anigu helaynin cid kale heli mayso sidaasina ma haboona waana nooc xaasinimada
ka mid ah.
- Dadka
qaar ayaa waxay u fekeraan inay dadka kale inay guulaystaan naftooda
way ilaabaan waxtarkoodana waxay geliyaan cidkale taana qoraagu wuxuu
leeyahay wax ku anfacaayo ma’aha.
5. Caadada shanaad eek u jirta buuga waxa weeye: haddii aad u baahan tahay in lagu fahmo adiga isku marka hore inaad dadka fahantid.
Tusaale: haddii qofku
kula wadaago waxa maankiisa ku jira keliya ma’aha inaad u miijisid inaad
maqlayso laakiin waa inaad dhegeystaa waayo maqalka iyo dhegeysigu way
kala xeel-dheer yihiin.
6. Caadada lixaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: iskaashi ama wadajir qoddobkani waa muhim waana in dadku yoolkooda ay wada gaadhaan maadaama haddaan si kale u macneeyo waa: waa wax qofka iskiisa u gaari Karin qofka kalena iskiisa u gaadhi Karin laakiin labadooda marka ay is kaashadaan ay wada gaadhi karaan.
7. Caadada toddobaad ee ku jirta buugga waxa weeye: “ miinshaarta afayso ama soofayso”
caadadan waxay
xiriir la leedahay lixdii caado ee kale qoraagu wuxuu usoo qaadanayaa tusaale
si aan u fahano wuxuuna yidhi sidatan: nin geed jarayo ayaa waxaa soo ag maray
nin kale wuuna dhaafay muddo ka dib ayuu ninkii soo laabtay wuxuuna arkay
ninkii oo weli geedkii la rafanaaya sidiina u jaraya, markaasuu ku yidhi
“waar heedhe waqti maad qaadatid aad miinshaarta ku afaysato”; markaasuu ugu
jawaabay ninkii geedka jarayay “ miyaadan arkayn in aan mashquulsanahay miyaan
u helayaa waqti aan miinshaarta ku afaysto”
> Afar jaanib ayuu qofku
ka kooban yahay
A. +Jaanib ruuxi ah
B. +Jaanib caafimaad iyo jir ahaan
C. +Jaanib caadifi iyo
cilaaqaad ah
D. +Jaanib caqliga ah
Jaanibyadani ama
dhinacyadan uu qofku ka kooban yahay waxay u baahan tahay in la isku
dheelitiro.
ü
Wuxuu u baahan yahay
inuu jirkiisa iyo caafimaadkiisa ka fekero si uu helo tamar,iyo firfircooni.
ü
Wuxuu u baahan yahay
maankiisa iyo maskaxdiisa inuu quudiyo kuna qalabeeyo aqoon iyo wixii la mid ah.
ü
Wuxuu u baahan yahay
inuu waqti la qaato reerkiisa,ehelkiisa iyo asxaabtiisa.
sidaa awgeed ayuu
qofka qoraaga ahi ugu baahan yahay inuu miinshaarta soofaysto oo wax badan
aqriyo si wax tayo leh u qoro.
Ugu dambayntii waxa aan ku soo gebagabayntii qoraalkan aan ka diyaariyay “the seven habits of highly effective people” in aanu intan buugu ku dhamaystirnayn nuxurkiisii balse aan doorbiday in aan wax yar idin ka tuso buugan qiimaha leh si aad ugu dhiirataan akhrintiisa.
dhamaad.

Maanshaa Allaah
ReplyDeleteAad baad u mahadsantahay
XAMDA CALI FARAAX
Soo gudbinta iyo taftirada qoraalkaaga waanada iyo jihaynta iskugu jira.
Allabari caydarus mahadsanid walal sida quruxda bdn ee aad ugu xirantay blog
ReplyDeleteMasha allh abaayo xamdi ali farax aad ayaa umahadsantahay sida quruxda badan aad uso koobtay
ReplyDeleteWaxbadan ayaa kafaaiday❣
mahadsanid dear farhia
ReplyDeleteAad ayaad ugu mahadsantahay walaalo. Runtii si kooban oo nuxur buuran uu ku jiro baad usoo koobtay buugga. Waxa aan talo ahaan ku darsan lahaa naqshadda bloga in aad qaab ahaan bedesho. Meelaha qaar akhrintooda way igu adkaatay ma aqaan wax ii gaar ah miyaa maadaama aan moobil ka akhrinaya.
ReplyDeleteYusuf cabdifatax walal aad mudan, insh allah wan badalaa nashqada idim alle
DeleteWaad ku mahasantahay wll hamdi ali farah sida wanaagsan wax noogu soo gudbisay waxaana faaiidaysanay wax ban horay usoco wll dadaalkagana sii wad guulayso 🤲
ReplyDeleteHassan Ahmed Ali mahadsanid walal, Ameen ya rabbi dhamaanteen guul Insh allah
DeleteMashallah,Waxaan kaaga Mahadnaqayaa walaal Si Farshaxanka Leh aad noogu soo gorfeysay buuggaan,nooguna soo koobtay nuxurka buugga,
ReplyDeleteWaanna markii iigu Horeysay aan Halkaan Maqaal Ceynkaanoo kale ah kaa daalacdo,runtii Wax badan ayaan ka fa'iday Gofeynta buugaan waxaana rajeynaa Inaad soo badi doonto gorfeynta Bugaag Kale ( Book reviews).