Sunday, 18 October 2020

Gorfaynta buuga "How to win friends and influence people"


 


20:02 (4 minutes ago)

Buugga magaciisa; How to win friends and influence people.

 

Buugan waxaa qoray Dale Carnegie milay ku abaaran (1936) laakiin waxa la daabacay markii u horaysay (1937) tariikhda maraykanka, waqtigaas ilaa iyo haddana waa buugga loogu gadashada badanyahay isla markaana ugu horeeya buugta lagaga hadlo arimaha xiriirada iyo dad la dhaqmida, in ka badan lix iyo toban milyan oo koobi ayaa la iibsaday goor hore. Buugu wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa dad la dhaqanka haday noqoto hogaamin mid reer, wada shaqayn shaqsi ama bulsho.

 

Dale Carnegie oo dhashay (1888) dhintayna sanadkii (1955) wuxuu ahaa jaamici, qoraa iyo macallin amerikaan ah sidoo kalena wuxuu bixin jiray casharo horumarinta shaqsiga quseeya sida: fagaare ka hadalka,wax soo saarka iyo dad la dhaqanka. 

 

        F.G.qodobada aan kula wadagi doono kaliya kama koobna buuggu.

 

Qodobo aasaasi u ah dad la dhaqanka. 

 

 Dadka ha dhaleecayn,ha cambaarayn,hana u caban

 Sii qadarin daacad ah, dareensii inay muhiim agtaada ka yihiin.

 Fahan rabitaankiisa qofka kale inta aadan amrin.  

 

 

Talaabooyin dadku kugu jeclaanayaan haddaad fashid ama samayso.

 

 Si dhab ah u muuji in aad xiisaynaysid qofka iyo waxa ku saabsan. 

 Dhoola cadee,qof waji furan ahow . 

 Xusuus hadday ahaato ama qof magac loogu waco kiisa uu ugu jecelyahay  ugu wac mar walba.

 si feejigan u dhagayso dadka una horsed inay  si xora u hadlaan.

 Kala hadal arrimaha uu danaynaayo qofku.

 Dareensii inuu muhiim yahay qofku ,si daacad ahna ugu muuji.

 

 

sida loogu guulaysto gudbinta aragtidaada si dhib yar. 

 

 qaabka kaliya ee aad dadka dooda uga heli kartid waa inaadan kasoo horjeesan.

 Tus xushmad qofka kale, sida ra’yigiisa inaadan kaga falcelin waad qaldantahay.

 Haddii adigu aad qaldantahay, u qiro si deg-deg ah.

 Kula bilaw hab saaxiibtinimo iyo fur-furnaan ah hadalkiina. 

 Ka kasbo qofka kale in uu kugu raaco fikirkaaga ama u jeedadaada. 

 U ogolow qofka kale inuu qayb libaax leh ka qaato hadalka. 

 Qofka kale ha u  dareemo in fikradaadu tahay tiisa.

 Si daacad ah iskugu day inaad u aragto waxyaabaha qofka kale aragtidiisa ah.   

 

            Qodobo ka dhigaya hogaamiye dadka soo jiita.

 

 

 • Hadalka ku biloow amaan iyo mahadcelin daacad ah.

• Si sarbeeb ah ugu sheeg dadka qaladkooda.

• Ka hadal qaladkaaga ka hor inta aadan xukumin qaladkooda.

• Waydii su’aalo halka aad amar uun ka siin lahayd.

• Ugu hambalyee una mahadceli shaqo kasto ay qabtaan ha yaraato ama ha weynaatee.

• Kasbo si dhiifooni leh inu u qabto qofku waxa aad uso jeedisid.

 

Gunaanad. 

 

 

Run ahaantii buugan waa mid wax badan laga faa’iidi karo sidoo kale xambaarsan aqoon iyo cilmi fara badan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad akhridaan buugan sabatoo ah waxaan jeclaystay in aanan keligay  isku soo koobin sidaas ayaana idinkula wadaagay mid kamid ah nuxurrada aan u arko inuu idinku dhiirigelinayo in aad buuga akhridaan.

 

Buugani wuu ka qiimo badan yahay inta aan soo xusay sidoo kale wuu ka qiimo badan yahay in lagu soo koobo labo bog iyo wixii la mid ah.waa buug aad u wayn weliba xogta ku jirtaa tahay mid fara badan waxaana wacan inuu qofku wada akhriyo isagoo aan dulmarayn ee dhadhanka buugu xambaarsan yahay aad u dheehana ishiina iyo dareenkiisana ku ilaalinaya in aysan wax kale ku foognaan isaga mooyee waayo waa bug aan lagaga bogan karayn dulmar.

 

 

Laga yaabee  in aad ogtahay ama ku dhaqantid inta kor ku qoran maadaama ay ay dad la dhaqanka wanaagsani ka mid tahay waxa gundhiga u ah nolosheena.

 

Waxan idinku dhaafayaa “mar walba iyo meel kasta oo aad joogtid isku day in aad dadka kugu hareeraysan dhaqan wanaagsan kula dhaqantid.”

 

Mahadsanid akhriste.

Waxa aan akhriyay buuga 25/12/2019

 W/Q: Hamdi Ali Farah

16 comments:

  1. Mahadsanid qoraa
    Waxaad noo soo bandhigtay miidii( nuxurkii)buuga.

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid qoraa Hamdi Ali Farah

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid Qoraa Xamdi. Buuggaan isaga oo Af-Soomaali ah ayaan qayb ka akhriyey sanadkii 2015ka. Waxyaabaha aan ka bartay waxaa ka mid in qofka markaad ugu wacdid magaciisa oo seddexan uu dadka kale kaa jeclaanayo.

    ReplyDelete
    Replies
    1. mahadsanid wllo ugaas diirie, waa buug aad u qiimo badan run ahaan tii

      Delete
  4. Masha allh mahadsanid abaayo xamdi ali

    ReplyDelete
  5. Waxaad tahay tusaale fiican.. Jazakulah khayr wall.

    ReplyDelete
  6. Waxbadan baan ka faaiday qormadaan waxaana rajenaa in aan aqriyo buuga oo dhan mahadsanid hamdi

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid walal hamdi sida wanaagsan ee aad noola soo wadaagtay nuxurka book ga.

    ReplyDelete
  8. Adaa mudan walal qaali munira ahmed

    ReplyDelete
  9. Si wanaagsan Xamda. I'm speechless. Mashalah

    ReplyDelete

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...