Kufsiga iyo fara-xumaynta soomaalida dhexdeeda.
Inkasta oo ragga soomaaliyeed ay qiimeeyaan dumarka oo ayna ixtiraamaan , haddana waxay dumarka la kulmaan tacadiyo uu kow ka yahay kufsiga .Dumarka oo sida la ogyahay ah kuwo aad ugu nugul dhibaatoyinka bini’ aadamka so wajaha badanaa, ayaa hadana dhibane u ah kufsi qalafsan kaas oo uga Imaanaya raggii Soomaaliyeed oo ay habeen iyo maalinba u taagnaayeen hormarintooda iyo meel ka so saarkooda. Yaab?
Kufsiga ayaa dumarka ku reeba saameeyn qota dheer oo xanunkiisu waligood daba jiitamo, kaas oo maskaxdooda aan ka harin, lagana yaabo in uu ku keeno xanuuno jir ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba.
Waxaan qayb hore ku xusay dhibaatada xagga dhimirka ah ee uu dumarka ku keeno kufsiga waxaa ka mid ah qalqal maskaxeed, kalsooni daro nafeed, hubaal la’aan mustaqbal sida guur ay mataano yihiin niyad Jab, Sida aan wada ognahay Falalkaas wuxuushnimadaa aad bay ugu so badanayaan bulshadeena soomaaliyeed, inta ugu badan waxay saameysaa gabdhaha qaan gaar ka ah oo haasaawaha gaaray, haweenka waawayn iyo mararka qaar dhallaanka yar yar.
Hadaba gabadhaas inta ay nooshahay maankeeda iyo maskaxdeeda kama baxayo dhacdadaas argagaxa leh markay so jeedo iyo markalaba. Markay hurudana waxaa kusoo laba kacleeya ama u shidma xasuusteeda falkii oo sidiisii ah oo maankeeda marna ka fuqayn taas oo laga yaabo aakhirka in ay ku keento xanuun xagga dhimirka ah, haddi aysan waalanba ama fakar waali ah markaste taaso keeni karto in ay gabadhu isdisho.
Waxaa jira dhibaatooyin farabadan oo bulshada kaga imaado dulmane yaashaas sida; in lagu shaabadeeyo xumaan iyo muuq-takoor, in aan loo dhimrin oo Xaqeeda loo gudin, In lagu nisbeeyo sharaf daro, in haddii ilmo ay dhasho daryeel aysan helin, in magacyo muuq dil ah loo bixiyo sida tii la kufsaday! ama wacalka dhashay!, waxaa kaloo ay wajahaan in aysan soo warin Karin wixii ku dhacay sababo la xiriira bulshada ay la noolyihiin sababo la xiriira dhaqan-xishoodkooda.
Ilaa hada ishayda ma saarin ama dhagtayda kuma soo dhicin gabar xaqeedii loo soo dhacshay ama nin la mariyay ciqaabtuu geystay. Amakaag baa iga so haray! Horta, damiir soomaalinimo iyo mid islaamnimo ma jiro miyaa? qof ka hadla ama u istaaga xalka dhacdooyinkaas xun xun oo soo war wareegta sidii dib jirkii, malaha waa dhif haddii laga hadlana meesha lagamasoo qaado sidii saxan bariis ah meshaaba looga so tagaa.
• Waxyaabaha dhufayska u ah arrintaan waaritaankeeda waxaa loo aanayn karaa dhowr qodob oo kala ah;
1. bulsho ahaan qaabka aan uqeexno ceeb iyo sharaf taasoo aan ula jeedo in haddii gabadha la ogaado in la kufsaday ay ka dhigantay ceeb iyo sharaf dhac, culayska ugu badan ayaa lagu qotomiyaa ama la saaraa dhibanaha.
2. Dowlada oo aan meelayn darbiyo adag oo Sharci ah ka soo qofki Falkaan ku kaca bilaa hadal qabanaya.
3. Culimada oon ka wacyi galin dhalinyarada iyaga oona fulin xukunkii saxda ahaa si lamida arintaan baa boorin unoqon karta danbiilaha.
4. Odayaal dhaqameedka iyo qaab qabiileedkeena oo aaminsan in nin rag ahi oo boqolaa loo dilin gabadh kontonla ah iyakoo ku dhameeya xaajada geed hoosti laguna kala qaato lacag iyo xoolo oo lagaba yaabo in dhibanuhu quud yar ka helin.
5. Waalidka oo tarbiyada caruurta aan miisaamin wiilka iyo gabadha aan isku si loo korin inta badana lagusoo gabagabeeyo arinta gabari waa Hilib bisil halka wiilkuna yahay geesi gabadh ugaarsadaa.
•Waxa aynu nahay dhamaanteen bulsho inta ugu badani u heegan oo waqtigooda galiya falan-qaynta siyaasada Sadexdii qof ba labo ayaa ka hadla siyaasadda si joogto ah, haddana meesha ugu liitado oo aan lasoo qaadin markaan siyaasada ka hadlayno waaa tacadiyada ka dhan dumarkeena qaaliga ee sharafta badan intaas caksigeeda waxaan ku dabaalanaa arimaha sida; Cafimaadka, isbedelka cimilada iyo dhaqaalaha ,waxbarashada, xanuunada dhimirka la xiriira, iyo IWM.
Qoraaga. Hamdi Ali Farah.
Ku Mahadsanid aqrintaada.

Thanks runta ayaad sheegtey
ReplyDeleteU most welcome 🙏
DeleteMahadsanid
ReplyDeleteXamdi Cali Faarax.
Qoraal aad u muhiim ah ayaad soo ban dhigtay.
Dhacdadan waa mid kusoo badanaysa geyiga soomaaliyeed.
Waana falal fool xun oo ay geysanayaan qaar aan damiir binaadam ka muuqan oo meeqaamkii xoolahana hoos maray.
Ninka inan ma-geyda ah
Gurrac kaga danaystee
Gol-qaniin ku maalow,
Gefka aad falaysiyo
Waxaad gaaxsanaysiyo
Gashigaad cunaysaa
Ruuxay ka go'antahay
Gabadhaada weeyoo,
More detail about this topic i will send inshaa Allah
Mahadsanid walal, Allabari caydarus
DeleteKufsiga in bulshada laga wacyi galiyo arin wanaagsan.
ReplyDeleteXamdi waan kugu bogaadinayaa qoraalkaan ama faaladan oo aad bulshada ku wacyi galinaysid
Mahadsanid walal, bogaadintada
DeleteMnasha allh wa qormo dhaxal gal ah wll
ReplyDeleteMahadsanid
DeleteIlhy ayaa no maqan ...hadaa nahay dumarka somaliyed..dhibta rabi hanaga dulqaado..dunarow taxadarka badiya😥
ReplyDeleteAmeen ya rabbi abaayo
DeleteBulshadu waxay ubahantahay in Laga wacyigaliyo falaka foolxumada
ReplyDeleteMahadsanid walal
ReplyDeleteWa runta walal wad ku mahad santahay qoralkan o ah muhim runti. Merci beaucoup sœur
ReplyDelete