Tuesday, 14 July 2020

maxaan ka baranay covid-19 ?


maxaan ka baranay civid-19

Coronovirus saameyn intee le’eg buu kugu yeeshay? Waxay ila tahay Mid weyn! Saaneyntiisa guud iyo mida gaar ee caafimaad ka waxaa aad u dareemi kara ama fahmi og ciduu ku dhacay ama joogta dal uu si ba’an ugu baahay. Hadana Sidaas oo ay tahay wey yar tahay qof uu san dhibtiisa soo gaarin. Si toosan iyo si dad ban. 
In badan oo naga mida waxay ku baraarug sanaayeen khasaaradiisa iyo dhibta uu geystay. Balse waxaa jira wax muhiim ah ay tahay in laga dhex barto. 
1Covid19 iyo guri joogu wuxuu na baray in 24ka saac ay tahay waqti badan oo inagu filan. Sababta illaahey noogu dooray na aan fahanay. Dad badan bey iskaga dhex yaaceen habeen ki iyo maalin, lakin uu waqtigu u ahaa mid balaarnaa. 
Waxaa jirtay Ayadoo Guriga lagu dhex shaqeeynay, waxna lagu baranaayay, In qofka usoo haraysay waqti badan. 
covid19 kahor meel aan ku bixin jirnay iyo siduu nagu dhaafi jirey lama xisaabin jirin. Waqti ciriiri baa ka caban jirnay iwm. Balse hada xaqiiqada waxa noqotay in 24 saac ay tahay waqti nagu filan. 
2Guri joogu wuxuu na siiyay fursad aan ku baran karno nafteena. Waxaa soo baxday shaqsiyada dhabta ah ee qofka sidoo kale wixii uu qofku u kalihi jiray shaqo ama waxbarasho iney ahayd mid ku haboon rabitankiisa. 
Waa wax fiican inaa nafteena waqti siino oo is xisaabino. Halkaa mustaqbalka rabno iyo jihadaan u aadi lahayn inaan u dhaqaaqno. 
In badanoo naga mid ah uma helin fursad ay naftooda ku xisaabiyaan balse si khasab ah xiligaan adag ee guri jooga ayaa fursad noo siisay inaa nafeheena dib ugu noqono, oo is xisaabino. Hadey noqon lahayd aqoon kororsi,iyo xirfad cusub oo aad barato iwm. 
3. Dhamaan noolaha koonka oo dhan waxaan uwada baahneyn waqti nasiino (break-time). Dadka, dhulka, xayawaanka iyo aaladaha aan isticmaalno, intaba waxay u baahnaayeen waqti aan ku degno oo ku nasano. Waxaa nastay dhulkii, hawadii wasaqoobi jirtay ee qiiqa sunta ahaa oo ku socdoy, xayawaanki dab jooga iyo duur jooga ahaa ee aharci darada loo leyn jirey. Aaladihi aa isticmaali jirnay oo ayagana heley waqti ey ku qaboobaan. Dadkii oo waqti isku heley, hadey noqon lahayd qoys wada noolaada iyo kuwo wada xidhiidha. Iyo qaar kaloo badan. 
Isbarasho cusubna wey dhacday- character revealing. 
4Waxaa ogaanay in aadanuhu isku tabar yahay markey runta timaado. Dowladihii awooda ku faani jirey iyo kuwii awood yarida heysay iney isku si uga wada cawdeen xanuunka saf marka ah. Sidoo kale dadkii lacagta lahaa oo lacagtoodi ay badbaadin weysay. Kuwii magaca lahaa oo ayagana baxsan waayay. Halkaasna ay nooga soo baxday in awooda ilaahey aynaan marna baacsan karin. Ayna haboontahay mar walba inaan ilaahey swt isku dhiibno magan galyana weydiisano . 
5Inaan kayd lahaano. Waxaa jirta hadal caan ah ‘Barri baa darane baal reebo’. Adoon is qadin maantay beri iyo mustaqbalkaaga wax u dhigo. Kaydku wax kastuu noqon karaa, lacag ama cuno, daawo, sidoo kale caafimaadkaaga waa kaydsan kartaa. 
6. Casharka u danbeeya ayaa ah in dunidu isku wada xirantahay isla markaana ay si fudud isku saameyn karto samaan iyo xumaanba.
Xaduudaha ey dhigteen dalalka ee kala celiya in eysan ka celin karinaafada wareegeysa. Waxaa run ah hadalkii ahaa ‘Dabka galbeed ka socda gondahaaga ka day’ . Sidaas si lamida waxaa xaqiiqo ah in la isku baahan yahayl Dadkuna kala maarmin. Wax kasto nolosha aad haystatid hadeysan dad ku jirin faaido badan kuuma sameyneyso. 
Ma jiro qof kaligiis isku filan. 
Qoraagga. Hamdi Ali Farah.
Ku Mahadsanid aqrintaada. 

24 comments:

  1. Replies
    1. Waxan kaloo barannay dad badan oo noo dhuuntay xilligii guri-joogga. Illeen Xamda qoraa weyn baad ahayd. Thanks so much

      Delete
    2. U most welcome boqor! Sufyaan said,

      Delete
    3. U most welcome boqor! Sufyaan said,

      Delete
  2. Aad baan kaaga mahadcelin Hamdi

    ReplyDelete
  3. aad iyo aad waa qormo soo koobatay waxyaabihii ugu muhiimsanaa aan carvid-19 ka baranay , mahadsanid walshy hamadaa

    ReplyDelete
  4. Chief Hamda, waad ku mahadsan tahay inaad nala wadaagtay qormadaan muhiimka ah ee aad waqtiga badan gelisay. Thanks dear sis.

    ReplyDelete
  5. Mahadsanid aqoonyahanad.
    Si fiican oo qodobaysan baad u soo dhigtay. Dhibkastoo ku soo martaan waxay ka tagtaa saamayn iyo duruus qofka hagta.
    Soomaali ahaan inaga maxaynu ka baran karnaa safmareenka si aynu ku kale ula tacaalno?


    Qoraal iyo fikir dhaxal gal ah
    HAMDI ALI FARAH

    ReplyDelete
  6. Maasha allh aad baan kaaga mahad celinaya article kaan quruxda badan aad nala wadaagtay ,runti waa sida sheegaty convid19 waz buu kabedelay nolashayna Hamdi ali farax ♥️

    ReplyDelete

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...