Saturday, 27 June 2020

gorfaynta buuga black mamba boy


Bugga magacisa Black Mamba Boy.
Buggaan waxaa qortay   Nadifa Mohamed 
Sanadkii la soo saaray {August/3/2010}

                    “ HORDHAC “
      
 Buuggaan aan magaciisa kor kuso xusay ee black mamba boy waxaa qortay gabar la yiraah Nadifa Jamac Maxamed. 
Waa sheeko iyo tariikh isku jirta oo ka waramaysa nolol dhab ah oo abbeheed soo maray kana bilaamaysa Somaaliya ilaa ugu danbaynta Uk. 
Jamac hooyadiis markay uur kiisa lahayd ayay geed hoos seexatay markaas ayaa mas wayn oo madow nuuca somalidu u taqaan good, soo dul maray calosheeda mana qaniinin,sidaas darted waxay amintay in wiilkeedu nasiib badanyahay Goode ayayna ugu naynaastay, waa halka buugga magaciisu ka yimid 



                  #Qoraaga Buggaan 

Nadiifa waxa ay ku dhalatay Hargeysa sanadkii (1981) waxayna wax ku baratay Uk , Tariikhda iyo siyaasada ayay ka baratay ST.Hilda’s College,Oxford buuggaan markay qortay Waxay ku noolayd London,waxay sidoo kale qortay buug kale oo la yiraah (THE ORCHARD OF LOST SOULS) 2013 kii.Kan black mamba boy waxay ku guulaysatay abaal marinta Guardian first book award. 




                #Gudaha Buugga

Buugga wuxuu ka hadlayaa sheeko, iyo Tariikh , sidaan horay ugu so  sheegay, waxaa ku kulmay dareeno maskaxdaada hadba meel ku hoynaya ,waa jacayl iyo nacayb, goon iyo rajonimo, baahi iyo darbijiifnimo,dagaal iyo gumaysi 
Tuugsi iyo tuuganimo, safar bad iyo biri ah, inta aad buuggaan aqrinaysid waxa aad midba maalin ku harsanaysaa wadamo badan sida; Yemen, Jabuuti, Sudan, Eritrea, Masar,Falasdiin iyo Britain. 


Sanadkii 1935 kii Jamac waxa  asaga oo yar noloshiisa adagi ka bilaamaysaa Hargaysa markuu abahiis ka haajiro si uu u gu soo shaqeeyo,sugitaan badan kadib ayay asaga iyo hooyadiis Yemen tagayaan halkasoo silic iyo darbijiif nimo uu kala kulmay hooyadiina ku geeriyootay, waxa uu ciyaalka wadoyinka tuugsada la joogo marna maqayad alaabta u dhaqo Hargaysa ayuu kuso labanayaa halkasoo uu san ka helayn ayana nolol iyo naxariis waayo qof walba tiisa ayaa haysatay, abaar, gaajo, iyo jiro, ugu danbayn waxaa loo sheegaya in abahii Sudaan ku nool yahay , waxuuna u qalab qadanaya safar uu ku baadi goobayo aabahiii Guure.


meshaas oo tariikh cusub iyo waayo kale uga bilamayaan, yaana kag hor dhacine buuggaan aqri waayo faaidooyinka ku jira ayaa ka mid ah, waxa aad ka oganaysaa waxbadan tariikh aan buugta lagu qorin in badan oo ku saabsan dadka madow ama afrikaanteena,sida ay ahaan jirtay noloshii horee somalida, dulqaadka,iyo adkaysiga, la noolanshaha bulshooyin kala duwan iyo wax qaybsiga iyo is walaalaysigu siday muhiim uyahiin markaa ka dheerato dalkaga sida aad ka arkaysid Jamac iyo soomaali badanoo ay nolosha adag isku dhex arkaan siday isku kaalmaysnayaan.

Cunsuri nimada wax hada ku bilaabatay ma ahan afrikaanta hasa ahaate waxaa modaa marba marka kale in ee ka so badaneyso.



                                   #Dhamaad.

U gu danbayntii waxa aan ku cadaynaya buuggaan waa ka waynyahay kana qiimo badanyahay mid labo bog lagusoo koobi karo, waxa aan kula wadaagay uun qayb yar oo ka mid ah casharada muhiimka ah ee laga baran karo,

.waxa aan jeclaystay inaan isku koobin ee adna aan kuu bilaabo kuguna iraah aqri. 

W/Q. Hamdi Ali Farah. 5/28/2020
BUUGGU WAA 290 BOG.

6 comments:

  1. Mahadsanid Sida Wacan oo aad noola wadaagtay Buugan, Waana buug xiiso badan sida aan ku arkay Qulasada aad ku samesay.

    ReplyDelete
  2. Abaayo Hamda ku mahadsanid sida quruxda badan oo aad inoola wadaagtay.

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid xaqiiqdii waa book cajiib ubaahana in laga war doono

    ReplyDelete

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...