Saturday, 18 September 2021

Habeen ka mid ah habeenada ayaa waxaa i qabsaday, sheeko aan maqli jiray ama la iga sheekayn jiray hase ahaatee ugu damben si lama filaan ah ayaan u la kulmay. Aan usoo daadago dulucda sheekada. Aniga oo fadhiyo maqaayad ayaa waxaa soo galay labo gabdhood, waxay mar qura wada fadhiisteen meel iga soo horjeedda, waxayna fadhiyeen muddo badan.

 Markii dambe waxaa meheradda soo galay wiil, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhankii labada gabdhood ay fadhiyeen wuu wada salaamay. Ka dib waxaa u so kacday labadii gabdhood mid ka mid, waxayna la fadiisatay meel kale oo gabadhii kale u dhow. Waxaa u yimid qofkii dalabkii qaadayey markuu dhameeyey wiilkii iyo gabadhii, gabadhii wiilka la fadhisay baa waxay ku tiri gabadhaas u tag oo dalabka ka qaad. Sidii buu ugu yimid oo iyadana uga qaaday dalabkeedii. Gabadhii iyo wiilkii waxay wada fadhiyeen muddo lagu hilaadin` (qiyaas) karo hal saac. Gabadhii kale na waa kaligeed oo waxay sugeysaa saaxiibteed, waxay sugtaba gabadhii waa ay u soo laabatay iyadoo soo dhameysatay sheekadeedii, sidii bay isku raaceen labadii gabdhood.

Intii aan ku guda jiray qoraalkan gaaban ayaa dhoor gabdhood weydiiyey sababta sidaan u dhacdo waxayna iigu jawaabeen sidatan:

1) Ma naqaano qofkan wuxuu yahay waxaa ka bartay social media oo kalsooni buuxda kuma qabo in aan kaligeey la kulmo.

2) Ninkan kama helin ama mustaqbal guur kama lihi marka sida aan iskaga reebo waxaa ka dhamenayaa qarashkiisa marka aan balamiyo waxaan sii kaxaystaa asaxaabteyda hal iyo labo.

Qofka aad la kulmeysid hadaa aminaad ku qabin in aad balamisid ayaa qalad ah, uma maleenaayo qof aad ku balansatay goob dad badan joigaan sida: maqayadaha iyo coffee imw inuu wax ku yeeli karo.

Arrinta arrin ku cusub ma ahan bulshada soomaaliyeed, sidey iila muuqato waa arin soo jireen ah maxaa yeelay anigoo yar baan maqli jiray gabadha aan shukansado ayaa gabar kale soo wadato ama soo raacdo, marka ma is ledahay waa arrin u bahan in laga wacyi galiyo bulshada?

 

Adiga waligaa mala kulantay xaalad noocan ah ama ma la kugu sameeyey?

 

W/Q:  Hamdi Ali Farah

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...