Maxay kala yihiin Dhaqan,caado iyo hidde ?
Ogobeey abuurta aadanuhu sideedaba waxa ay leedahay dhaqamo kala duwan,caadooyin iyo dhaxal hideed oo jiilba jiil uu usoo gudbiyo, dadyowga adduunka ku nool bulsho kastaa waxa ay leedahay dhaqan iyada u gaara kaasaa ah asalka noloshoodu ku qotonto iyo salka ayka dhaqaaqdo.
Haddaba waxa is weydiin leh sidee ayay bulsho kastaa u yeelatay dhaqan iyada u gaara ?
Sideedaba dhaqanka waxa sameeya ee uu ka unkamaa waa deegaanka ay bulshadu ku nooshahay sida hab nololeedkiisu uu yahay, si kooban waxa aynu odhan karnaa; deegaanka ayaa go’aamiya hadba sida bulsho dhaqankeedu ahaanayo.
Sidee deegaanku u go’aamiyaa habdhaqanka bulsheed ?
Tusaale: qofbaa meel jooga waxa xeera ama abuur ah ee ku hareeraysan sida dhirta ama noolaha kale ee deegaankaa ku nool sida xoolaha iyo isagu sida uu abuurtaa wax ugala soo baxo ayaa dhaqankiisu ka sawirmaa.
Isla inaga oo soomaalida ah waxa aynu leenahay saddex qaab dhaqan oo kala duwan xoolaley,beeraley iyo xeebley midkastaana dhaqan u gaara ayuu leeyahay sababtuna wax kale ma’aha ee waa: kala duwanaanshaha hab-nololeedkooda.
Xoolo raacato: waa habka loo xanaaneeyo xoolaha waana isku tiirsanaanta dadka iyo meesiyada ay dhaqdaan si dadkuna ay noloshooda ugu deberaan xoolahana dadka haystaa ay baad iyo biyo ula raadiyaan oo hadba halkii ku haboon ula guuraan.
Beeralay: waa habka loo xanaaneeyo iyo dhirta iyo sida dadka iyo nolosha beertu isugu xidhan yihiin.
Xeebley. Waa habka badda iyo dadka ku ag nooli isugu xidhan yihiin.
dhaqanka waxa si loogu dhaqmaa sabab baa keenta cimilada meeshaa keenta deegaanku siduu u yaalaa keenta cid waliba dharka ay xidhato inta uu culays le’eg yahay cimilada ay ku nool yihiin ayaa keentay”
Marka aynu eegno afka ingiriisiga erayga dhaqan la midka ahi waa “cultural” eraaygan asal ahaantiisu waxa uu ka soo jeedaa erayga laatiinka ee “cultura” oo salka ku haysa sida dhirta loo xanaaneeyo
markaa erayga dhaqan ee luuqada afka ingiriisigu waxa uu salka ku hayaa noolahaa dhirta halka keenu uu koobsanayo saddex nololood oo kala duwan waa mida xoolaraacatada tan kaluumaysatada iyo tan beeralayda.
Erayga dhaqan waa “ the adaptation of way of live” waa hab nololeed uu bini aadamku qabatimo
Tusalayaal ku saabsan kala duwanaanshaha deegaanka iyo fal galka deegaanka.
kan jooga qaarada yurub iyo kan jooga afrika waxa ay ku kala duwan waa deegaanka ay ku nool yihiin balse labaduba waa dhashii nebi aadam,waxase jirta sabab ka dambeysa kala duwanaanta dhaqankooda oo ah hab nololeedka deegaanka, nooca cimilada, jaadka ama nooca cuntada iwm.
Tusaale: dadka reer yurub qaabka ay u socdaan wuu ka duwan yahay qaabka dadka afrikaanku ahi ay u socdaan, qaabka midabka dadka reer yurub wuu ka duwan yahay kan afrikaanka marka laga tago hidaha dhalmada,qaabka sankoodu waa uu ka duwan yahay kan dadka afrikaanka ah, sababtu kala duwanaanta cimilada labada deegaan.
Qaabka socodka: Markaynu leenahay socodka waa ku kala duwan yihiin labadaa dadyow u jeedku waxa weeye in ka yurub joogaa uu ku nool yahay deegaan qabow markastana jidhkiisu u baahan yahay dugsi, markaa inuun haddaad aragtay qof reer yurub ah ama soomaali ka yimi yurub oo muddo bartaa ku noolaa waad dareemi kartaa in qaabka qofkani u soconayaa aysan ahayn sidii caadiga ahayd. Marka la sheegayo qofka qurba jooga ah waaba astaan ka mida astaamaha lagu garto qofka yurub ka yimi qaabka uu u soconayaa halka kan afrika joogaa uu u socdo si waafiya maadaama jawiga uu ku nool yahay uu yahay mid kulul.
Qaabka sankooda: qofka afrika joogaa ama afrikaanka sanka waaweyn marka laga tago abuurta iyo hidaha dhalmada waxa sababa sanka weyni waa cimilada, qofka afrikada kulul ku nooli wuxu u baahan yahay hawo badan inuu qaato markaa waa inuu lahaadaa qaabsaneed iyo daloolo saneed oo waaweyn oo ay hawo badani uga soo gasho halka kan reer yurub ama ku nool deegaanka qaboobi uu yahay lidiga kaa.
Nooca midabka: qofka deegaanka qabow joogaa ma helo qorax ku filan oo uu ka helo Vitamin D, maadaama vitamin d uu yahay faytamiinka laga diyaariyo dheecaan melanin ee sababa inuu maqaarku madoobaado taasaa sababta inuu midabkiisu khafiif noqdo halka kan afrikaanka ahi uu helo qorax aada halkaas oo ka helo faytamiin d fara badan sidaa aawadeedna loo sameeyo dheecaan melanin oo badan taa aawadeedna uu jidhkiisu u noqdo madaw.
Dhaqan wuxu ka soo farcamaa sida deegaan waxa yaala waxa laga helo bini aadamku ula falgalo
Waad aragtay ama goob joog waxad ka ahayd oo la kulantay iyadoo la leeyahay waa la dhaqan guuray waa la dhaqan bedelmay ?
Bal haddaba maxaa is bedelay dadku miyaanu kii uun ahayn oo soomaali wada ahayn ?
Wallow aan jeclahay in aan jawaabta hore u bixiyay bal haddana waxa aan isku dayayaa yadoo waafiya,fidsan oo faahfaahsan in aan idinka hiraabiyo oo nuxurka aan u gol leeyahay ugasii gudbo.
Markasta waxa jira,loolan adag oo ka dhexeeya nolosha cusub oo dhallintu ay u ololayso iyo tan hore oo waayeelku gadhwadeen ka yahay,waxana markasta libintu raacdaa tan dambe ee casriga ah waayo noloshu dib uma socoto ee markasta hore ayay u ruqaansataa, dhallintuna waxa ayba halhays ka dhigataa “ wixii cusub caalamkaa jecel” waa hadal ayku difaacdaan habdhaqanka iyo qaab nololeedka ay rabaan in ay u noolaadaan.
Noloshii miyigu qaab nololeed u gaar ah ayay lahayd halka tan magaaladu ay wadato hab nololeedkeeda u gaarka ah.
Sababtu waxa weeye noloshu waa webigaa socda oo meel waliba,fac waliba, iyo waqti waliba yadaa dabeecadeeda iyo dhaqankeeda wadata.
Waa maxay hidde ?
Hidde waa inta ka hadha dhaqanka intaasaa isku biirta oo joogtowda oo iyadu aan isbedelin tusaale: afku waa hidde oo waa dhaxal uu jiilba jiil u reebo waxa se jirta in maalinba eray baxo oo wax baa eray bixin loo sameeyaa oo erayga waa la beeri karaa eraygaasaa la rogrogaa oo qaybaha kale ee hadalka laga unkaa waa haddii uu yahay eray tarma oo gedgediga aqbala, ciyaaraha laftoodu waa hidde.
Waa maxay caado ?
Caado iyadu dhaqanka waa ka mid hidahana waa ka soo jeexantaa, Asawda ama akhlaaqiyaadka meel marka ah sabab ayku fadhido iyo waxa qofku rumaysan yahay sida qiyamkaasi ay yihiin ama milada uu leeyahay ayaa sababta ,balse caadadu waa wax aan sabab lahayn oo qofku iska rumaysto oo uu joogteeyo magacooda iyo ku dhaqankoodana ku dhago.
sida caadooyinkii cilaanayska oo aynu naqaano “ waa habeenoo waxa cad layskama soo doonto oo cusbada laysma siiyo ukunta laysma siiyo mindida xagga hore la isuguma dhiibo dhirta lama hoos joogo oo jinkaa xoolihiisu hadhsadaan, oo geelu hadduu lamaaneeyo oo laakeeyo ragguu u xun yahay oo waa la dilayaa oo caruurta magacooda kor looguma dhawaaqo ku waas oo dhami meel kale ma laha’e cirkaa loo aaneeyey ”
la soco qaybaha dambe ee qoraalkan.


