Friday, 17 July 2020

"tiktok"dhibaato intee le'eg ayay dhallinyarada soomaaliyeed ka dhaxleen

Dhibaato Intee la’eg Ayeey Dhallinyarada Soomaaliyeed ka Dhaxleen Aaladda Tiktok-ga?

Tiktok waa meel lagu soo duubo muuqaallo dhowr ilbiriqsi ah ama dhowr daqiiqo. Sida aan wada ognahay, bulshada aduunka sanadihii u dambeyey ee is dhax gashay waxa ay wadaageen waxyaabo badan, waxa ay iska barteen wax badan oo ay horey ee u wada aqoon.

Bulshooyinka aduunka wey isi saameeyeen:
•Ha isku saameeyaan xagga dhaqaalaha
 xagga hiddaha iyo dhaqanka
xagga siyaasadda xagga aragtida iyo garashada.

Wax yaabaha bulshooyinka aduunka isi sii baray waxaa ka mid ah aalado application ah ama barnaamijyada naku soo biiray sanadiihii u dambeeyey, kuwaas oo bulshooyinkii hal meel isku ku keennay, is tustayna wax ay yihiin.

Aaladahan cusub ee dunida ku soo biiray, waxay sababeen inay badalmaan, aragtiyo, dhaqanno, figrado iyo fahan bulsheedyo cid u gaar ah. Tusaale: Soomaalida waxa laga aamin sanaa bulsho leh dhaqan suubban, debci wanaagsan, akhlaaqsan san. Inkasta oo aysan maaddiyan u hormarsanayn haddana dhaqan iyo diinta ku dheereeya. Aaladahan casriga ah dartood ayaa Soomaalida laga aaminay taas lidkeed.

Waa iska caadi in ee dadka soomaaliyeed ee ka mid yihiin bilyanis qof oo adduunka ku nool oo ay cajabiso ama ka hela wax yaabaha cusub ee so baxa kaas oo la jaanqaadaya kacdoonka, tikniyoolajiyadda iyo aqoonta ee aduunka ku soo biiraya.
“Wax walba waxay leeyihiin dhan wanaagsan(togan) iyo dhan xun(taban).”

Tiktok waxaa mooddaa in uu faraha ka siibaxaya, Wuxuu muujiyey fool-xumooyin badan oo aan ku habboonayn umad ku dhaadata dhaqan suubban.
Dad muddo badan laga aaminsan yahay inay yihiin dad Ehlu qur’aan ah, Ehlu diin, ahna muslimin dhaqan wanaagsan.
Dhaqanka soomaaliguna uu san u ogalaan karin wax yaabaha qaar,
Ayaa bulshada caalamka wax uu tusay sida marar badan aanaan u ahayn sida na laka aaminsanyahay ama la inoo haystay.

Runtii wax yaabaha uu soo kordhiyey Tiktok waxaa ka mid ah in qoysaskii iyo dadkii guryahoddi ee noqdeen wax aan cid gooni lahayn oo meel walbe yaalo.
Waxyaabaha aan wanaagsayn ee Tiktok-gu keenay, waxaa ka mid ah:
1. Asturaad la'aan xadka ka baxsan
2. Isku dhacyo ka dhex aloosma qoysas Soomaaliyeed.
3. Dhiirri-gelinta dhaqamada xunxun
4. Wuxuu saameeyey waxbarashada dhallinyarada.
5. Saaqidnimo

Adiga oo ku fakaraya caqli saliim ah iyo maskax fiyoow, qofka waligii Soomaaliya maqlin,Haddii uu tiktok-ga dhex tago muxuu dadka soomaalida ka fahmayaa?
Wuxuu ka fahmayaa bulsho wada niikineysa, dhaqan fiican aan la hayn aqlaaq aan la hayn, diin xakamaysana aan lahayn!
Dadka islaamka ah ama Afrikaanka ah ama Carabta ah ee nagu hareereysan ee soomaalida u yaqaanan.

•Dad ahluul qur’aan ah.
•Dad diinta jecel.
•Dad diinta ku dhaggan.
•Dad meel walbe ee tagaan gabdhahooda hijaabka xirtaan. Sidoo kalena raggoodu ay masaajidyada buuxiyaan.

Halista wayn ayuu Tiktok dunida ku leeyahay. Sidaas darteed ayaa maanta:
•Dowladdo badan uga qaylinayaan Tiktok
•Dowladdo badan ay waddankooda uga mamnuuceen.
•Dowladdo badan u soo rogeen kontaroolo aad iyo aad u adag.

Kuwo ayaa maxkamad ku soo saaray shirkada Tiktok dhibaatada nafsiga ama aqlaaqiga ama dhaqanka ah ama aqoonta ah ama siyaasada ah ama amnigga iyo dhibaatada uu u gaystay shacabka.

Meelaha lagu maxkamadeeyey waxaa ka mid ah wadanka Maraykanka. Meelaha buuq badan uu ka taagan yahay oo qarka u saaran tahay in la mamnuuco waxaa ka mid ah Masar, waxaa ka mid ah oo kale Nijeeriya. Aduunka oo dhanna wuxuu galiyey khalkhal faro badan. ma ahan wax soomaalida kaliya wareeriyey.

Waayo dadka ugu badan ee isticmaala Tiktok-ga waa da’yarta da’doodu u dhaxaysa 16jir ilaa 25jir waana dhalinyaro. Taas na waa dhibaatada ugu weyn ee soomaalida haysata, maxaa yeelay dhallinyarada waxaa laga rabay in ee dhisaan ama ay hormariyaan naftooda iyo dalkooda iyo dadkooda.
Laakiin waxaa mooddaa in dhalintii soomaaliyed lagu mashquliyey wax aa micno la hayn naftoodi iyo dalkoodi iyo dadkoodi laga mashquliyey.

Waxaan waraystay dhallinyaro badan oo soomaaliyed waxay igu dhaheen haddii aan samaysanno Facebook ama twitter. haddaan wax wanaagsan aan soo dhigno ama aan so qorno waxaa aqrisanaayo dad aad u yar toban qof ilaa iyo soddon qof. Halka haddii aan niikiyo ama dharka isku dhajiyo ama dharka isku yareeyo ay I daawanaayaan boqolaal qof ilaa iyo ka badan.
Taaas waxay na tusinaysaa sida bulshadeennu ay gudaha uga bukto. Waxay na tuseen dhaqanka aan haysanno iyo diinta aan haysanno ay uun tahay mid kor ama muqaal kore ah oo aan gudaha u daadegsanayn.
waxay na tustay in bulshadeennu ay u baahantahay dib isku gu noqdaan hadde ahaato aragtidooda, diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan ayna dib ugu noqdaan.


Aduunka oo dhan dadka Tiktok-ga sida joogtada ah u isticmaala waxay ka badanyihiin 800 million, dadka degsadayna oo elefoonadooda ku shubtayn waxa ay ka badanyihiin 1.5 billion oo qof, waxuuna Tiktok noqday applications ka aan game ka ahayn ee loogu degsiga badanyahay {AppStore ka iyo goole play}. Aniga ahaanteeda ilama haboonna in aan dhahno gabadhaha ayaa u badan isticmaalka Tiktok ama wiilasha.
Marka aan ka hadlayno arrimo noocaan oo kale maxaa dumarka awooda ama xoogga u saarnaa?

Dhaqan waxaa haya waa dumarka, haddii larabo bulsho in la dhaqan badallo, in la diin badallo, in la aragti badallo, waxa laga soo galaa ubadka iyo dhalaanka.

Haweenku waa hooyo, waa walal, waa gabadhaada, waa xaaskaaga, waa middii barbaarineysa jiilka, ubadku waa ilmo yar oo maskaxdiisu cadahay waraqadda cad oo kale wax allaale iyo wixii aad ku qorto ayaa si toos ah u galaayo,
Saaas darteed bulshada ay haweenkoodu saxnayn ama haweenkoodu toosnayn ama haweenkoodu dhaqan wanaagsanen ama haweenkoodu aragtiyo iyo aqoon fiican ee san laheen runtii waa bulsho laga guuleysan karo si dib yar oo aqlaaqda xun xun logu faafinkaraa.

Qoraagga. Hamdi Ali Farah.
Ku Mahadsanid aqrintaada. 

Tuesday, 14 July 2020

maxaan ka baranay covid-19 ?


maxaan ka baranay civid-19

Coronovirus saameyn intee le’eg buu kugu yeeshay? Waxay ila tahay Mid weyn! Saaneyntiisa guud iyo mida gaar ee caafimaad ka waxaa aad u dareemi kara ama fahmi og ciduu ku dhacay ama joogta dal uu si ba’an ugu baahay. Hadana Sidaas oo ay tahay wey yar tahay qof uu san dhibtiisa soo gaarin. Si toosan iyo si dad ban. 
In badan oo naga mida waxay ku baraarug sanaayeen khasaaradiisa iyo dhibta uu geystay. Balse waxaa jira wax muhiim ah ay tahay in laga dhex barto. 
1Covid19 iyo guri joogu wuxuu na baray in 24ka saac ay tahay waqti badan oo inagu filan. Sababta illaahey noogu dooray na aan fahanay. Dad badan bey iskaga dhex yaaceen habeen ki iyo maalin, lakin uu waqtigu u ahaa mid balaarnaa. 
Waxaa jirtay Ayadoo Guriga lagu dhex shaqeeynay, waxna lagu baranaayay, In qofka usoo haraysay waqti badan. 
covid19 kahor meel aan ku bixin jirnay iyo siduu nagu dhaafi jirey lama xisaabin jirin. Waqti ciriiri baa ka caban jirnay iwm. Balse hada xaqiiqada waxa noqotay in 24 saac ay tahay waqti nagu filan. 
2Guri joogu wuxuu na siiyay fursad aan ku baran karno nafteena. Waxaa soo baxday shaqsiyada dhabta ah ee qofka sidoo kale wixii uu qofku u kalihi jiray shaqo ama waxbarasho iney ahayd mid ku haboon rabitankiisa. 
Waa wax fiican inaa nafteena waqti siino oo is xisaabino. Halkaa mustaqbalka rabno iyo jihadaan u aadi lahayn inaan u dhaqaaqno. 
In badanoo naga mid ah uma helin fursad ay naftooda ku xisaabiyaan balse si khasab ah xiligaan adag ee guri jooga ayaa fursad noo siisay inaa nafeheena dib ugu noqono, oo is xisaabino. Hadey noqon lahayd aqoon kororsi,iyo xirfad cusub oo aad barato iwm. 
3. Dhamaan noolaha koonka oo dhan waxaan uwada baahneyn waqti nasiino (break-time). Dadka, dhulka, xayawaanka iyo aaladaha aan isticmaalno, intaba waxay u baahnaayeen waqti aan ku degno oo ku nasano. Waxaa nastay dhulkii, hawadii wasaqoobi jirtay ee qiiqa sunta ahaa oo ku socdoy, xayawaanki dab jooga iyo duur jooga ahaa ee aharci darada loo leyn jirey. Aaladihi aa isticmaali jirnay oo ayagana heley waqti ey ku qaboobaan. Dadkii oo waqti isku heley, hadey noqon lahayd qoys wada noolaada iyo kuwo wada xidhiidha. Iyo qaar kaloo badan. 
Isbarasho cusubna wey dhacday- character revealing. 
4Waxaa ogaanay in aadanuhu isku tabar yahay markey runta timaado. Dowladihii awooda ku faani jirey iyo kuwii awood yarida heysay iney isku si uga wada cawdeen xanuunka saf marka ah. Sidoo kale dadkii lacagta lahaa oo lacagtoodi ay badbaadin weysay. Kuwii magaca lahaa oo ayagana baxsan waayay. Halkaasna ay nooga soo baxday in awooda ilaahey aynaan marna baacsan karin. Ayna haboontahay mar walba inaan ilaahey swt isku dhiibno magan galyana weydiisano . 
5Inaan kayd lahaano. Waxaa jirta hadal caan ah ‘Barri baa darane baal reebo’. Adoon is qadin maantay beri iyo mustaqbalkaaga wax u dhigo. Kaydku wax kastuu noqon karaa, lacag ama cuno, daawo, sidoo kale caafimaadkaaga waa kaydsan kartaa. 
6. Casharka u danbeeya ayaa ah in dunidu isku wada xirantahay isla markaana ay si fudud isku saameyn karto samaan iyo xumaanba.
Xaduudaha ey dhigteen dalalka ee kala celiya in eysan ka celin karinaafada wareegeysa. Waxaa run ah hadalkii ahaa ‘Dabka galbeed ka socda gondahaaga ka day’ . Sidaas si lamida waxaa xaqiiqo ah in la isku baahan yahayl Dadkuna kala maarmin. Wax kasto nolosha aad haystatid hadeysan dad ku jirin faaido badan kuuma sameyneyso. 
Ma jiro qof kaligiis isku filan. 
Qoraagga. Hamdi Ali Farah.
Ku Mahadsanid aqrintaada. 

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...