Saturday, 2 October 2021

 

My Personal Experience in the 2nd Mogadishu Global Goals Jam

My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the social media platforms. Three major themes were the focus of the event. That is Quality Education, Decent work and economic growth and reduced inequalities. The one that was the most interesting one to me was “Quality Education”. After that, I immediately applied for the it and was accepted despite it being competitive process where 300 candidates applied. I was happy to be among the selected 50.

 Now here comes the long awaited day, 22nd  September 2021, Day one of the Mogadishu Global Goals Jam was such a different day in my life. After registration, the first activity we did was to create a T-profile, where each person wrote his interest and the skills he had. We then put the paper on the wall. After which we were matched with the person that we shared similar skills and passions which helped us in networking. I was then selected to be among group 1, which comprised of 6 persons, 3 girls and 3 boys and our facilitator.

 The activity that followed was group building where we assigned each other roles and responsibilities as a group. I was assigned to support the team in researching the identified problem. Each of the other members were assigned to a role as well. From there we started defining the problem faced by disabled people by looking at the ‘How’,’what’,’where’,when’,’who’  ‘why’ of the challenge.From these process our group chose to purse a problem faced by blind people. After analysis of the problem hypothesis, we thought of a solution hypothesis around a mobile application platform to support the blind population with education and general support. We then went to the field to conduct user research in one of the disability schools in Mogadishu to proof our hypothesis and create empathy with the user. The next step we did was create an empathy map to guide our solution hypothesis. This resulted in the team to pursue a mobile application called “I CAAWI’ which helps blind people to access education support from volunteers online as well as get general support.

 Hamdi Ali Farah sharing her experience of day one and the user interviews conducted on behalf of group one.

 we continued with solution hypothesis. Below are the some of the proposed features of the app.           1: text to audio feature:  the blind students will download their textbooks that are not written in Braille language as pdf book, and then the application will convert to audio.

Second feature is Volunteers: The application has a volunteer section, which is available for people who are blind,a feature they will use when they need support. For instance, when the blind person goes to a supermarket wanting to buy something, they will call the volunteers to help them find the item they want.

In the second day of the event, the team converted our solutions into a storyboard, the team also did business model canvas, which helped us to analyze our ideas as a business, find out, who is our partner, what is our mission, what is our client relationship and other valuable information such as the risk and unknowns of our initiative

The group finally presented the idea to the Global Goals Jam facilitators where the presentations were assessed based on defined criteria.

The major skill I learnt from the Mogadishu Global Goals Jam is the ability to apply the human-centered approach tools in my day to day life.I also had the opportunity to network with individuals whom we shared similar goals and interest.Finally,I learnt to conduct user interviews to create empathy and iterate solution we were building.

In conclusion, I would like to encourage other university students especially girls to aim at attending similar initiatives in the future.

Finally,I would like to send a big thank you to Simad University Institute of Innovation, Technology and Entrepreneurship(IITE Institute) for giving me this wonderful opportunity .

Saturday, 18 September 2021

Habeen ka mid ah habeenada ayaa waxaa i qabsaday, sheeko aan maqli jiray ama la iga sheekayn jiray hase ahaatee ugu damben si lama filaan ah ayaan u la kulmay. Aan usoo daadago dulucda sheekada. Aniga oo fadhiyo maqaayad ayaa waxaa soo galay labo gabdhood, waxay mar qura wada fadhiisteen meel iga soo horjeedda, waxayna fadhiyeen muddo badan.

 Markii dambe waxaa meheradda soo galay wiil, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhankii labada gabdhood ay fadhiyeen wuu wada salaamay. Ka dib waxaa u so kacday labadii gabdhood mid ka mid, waxayna la fadiisatay meel kale oo gabadhii kale u dhow. Waxaa u yimid qofkii dalabkii qaadayey markuu dhameeyey wiilkii iyo gabadhii, gabadhii wiilka la fadhisay baa waxay ku tiri gabadhaas u tag oo dalabka ka qaad. Sidii buu ugu yimid oo iyadana uga qaaday dalabkeedii. Gabadhii iyo wiilkii waxay wada fadhiyeen muddo lagu hilaadin` (qiyaas) karo hal saac. Gabadhii kale na waa kaligeed oo waxay sugeysaa saaxiibteed, waxay sugtaba gabadhii waa ay u soo laabatay iyadoo soo dhameysatay sheekadeedii, sidii bay isku raaceen labadii gabdhood.

Intii aan ku guda jiray qoraalkan gaaban ayaa dhoor gabdhood weydiiyey sababta sidaan u dhacdo waxayna iigu jawaabeen sidatan:

1) Ma naqaano qofkan wuxuu yahay waxaa ka bartay social media oo kalsooni buuxda kuma qabo in aan kaligeey la kulmo.

2) Ninkan kama helin ama mustaqbal guur kama lihi marka sida aan iskaga reebo waxaa ka dhamenayaa qarashkiisa marka aan balamiyo waxaan sii kaxaystaa asaxaabteyda hal iyo labo.

Qofka aad la kulmeysid hadaa aminaad ku qabin in aad balamisid ayaa qalad ah, uma maleenaayo qof aad ku balansatay goob dad badan joigaan sida: maqayadaha iyo coffee imw inuu wax ku yeeli karo.

Arrinta arrin ku cusub ma ahan bulshada soomaaliyeed, sidey iila muuqato waa arin soo jireen ah maxaa yeelay anigoo yar baan maqli jiray gabadha aan shukansado ayaa gabar kale soo wadato ama soo raacdo, marka ma is ledahay waa arrin u bahan in laga wacyi galiyo bulshada?

 

Adiga waligaa mala kulantay xaalad noocan ah ama ma la kugu sameeyey?

 

W/Q:  Hamdi Ali Farah

Saturday, 16 January 2021

UMUL RAACA

 

Umul raaca

Umul Raacu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha looga beegaalka qaato horumar bulsho. Haddii xaddiga dhimashada hooyadu uu badan taas macnaheedu waa dhibaato badan iyo horumar la’aan ayaa jira. Haddii uu yaryahay umul raacu taas waxay muujinaysaa jiritaan daryeel caafimaad oo ku fidsan illaa dhulalka fogfog.

Qosaska soomaalida intooda badan ma sameyaan in ay ilmaha kala dhereeyaan oo waqti u kala dhaxaysiiyaan ama qorshe u sameeyaan. Dumarka waxay la kulmaan dhibaatooyin badan marka ay ilmaha aad is kugu dhawyihiin, xitaa waxaa dhacdo in ay nafaqo darro soo wajahdo. Dhibaatadas qofta la kulmeyso waa hooyada, marka hooyada dhasho waxay u bahantahay xannaano fican   iyo nafaqo maxaa yeelay waxay u baahantahay in ay soo kobsato. Inta ay cunugga   nuujineyso iyada waxa ay u baahantahay taxadar fara badan, ugu yaraan waa in ay hooyada labo sano heshaa ama ka badan. Marka waa in ay hooyada fahantaa micnaha naaska loo nuujinaayo labo sano. Hooyooyin qaar waxay sameyaan ilmaha in ay naska ka jaraan iyagoo nuujin wakhtiga lagu kala galay.

Dhibaato Intee Le’eg ayeey kala kulmaan?

Dhibatada ugu badan waxay kala kulmaan marka ee dhasho  iyadoo cunuga labo sano gaarin in ay uur kale qaaddo laga yaabaa umusha marka ay a baxdo in ay uur qaaddo, waad daremaysaa dhibatada ay leedahay iyadoo nafaqo badan helin  oo laga yaabo in ay dhiig la’aan tahy, in ay cunuggii kale ay dhasho. Marka waxaa meesha ku dayacmaya ilmihii hore maxa yeelay hooyada iyadoo so kobsan ama nasan markay ilmo isku-nuug ah korineyso wakhtiga ayaa wuxuu ku noqonaa ciriiri, wayna adag tahay in ee ilmahaas helaan korriimo fiican.  

Qorshe xumada qoyska Soomaalida

Waxaa dhihi karnaa qorsha xumada qoyska soomaalida, waxaa laga dhaxlay dhibaato aad iyo aad u fara badan, haddii ay noqoto in ay hooyada dhiig la’aan ku dhacdo ama umul raacdo (dhimato), taas oo la micno ah in hooyada marka ay dhasho ay dhimato cunugguna uu badbaado ama mararka qaar waxaa dhacda xitaa cunuga in uu saqiiro oo uu raaco, hooyadiis uusan waxba ka dambayn, waxaas oo dhan  waxaa u sababayn karnaa, qorshe xumada reerka.                                  

 

 Maxay dumarku u dhintaan?

     

Waa weyddin aan badnaa cidna isweyddiin se mudnayn in wax badan laga fakaro oo la falkiyo xal suuragal ah. Dumarku waxay u dhintaan dhibaatooyin ka dhasha uurka iyo dhalmada kadib. Dhibaatooyinkaan badankood waxay soo ifbaxaan xilliga uurka inta badanna waa laga hor tagi karaa ama la daaweyn karaa. Dhibaatooyinka kale way jiri karaan uurka kahor laakiin way ka sii darayaan inta lagu jiro uurka, gaar ahaan haddii aan lagu maamulin qayb ka mid ah daryeelka haweeneyda. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka jira dhammaan dhimashada hooyada waa saddex (3):

ü Dhiig-bax daran (inta badan dhiig-bax dhalmada kadib)

ü Caabuqyada (badanaa dhalmada kadib)

ü Dhiigkarka inta lagu guda jiro uurka (pre-eclampsia iyo eclampsia)

 

Sidee nolosha dumarka loo badbaadin karaa?

Inta badan dhimashada hooyada waa laga hor tagi karaa, maadaama xalalka daryeelka caafimaadka ee looga hortagayo ama loo maareeyo dhibaatooyinka la og yahay. Haweenka oo dhami waxay u baahan yihiin inay helaan daryeel tayo sare leh oo fidsan gaari karana meelaha fogfog marka ay uurka leeyihiin iyo dhalmada ka dib. Caafimaadka hooyada iyo caafimaadka ilmaha dhasha ayaa si dhow isugu xidhan. Waxaa si gaar ah muhiim u ah in dhalashada oo dhami ay ka soo qayb galaan xirfadlayaal caafimaad oo xirfad leh.

 

 

W/Q:  Hamdi Ali Farah

 

Thursday, 26 November 2020

Tacadiyada caadooyinka soomaalida laga dhaxlay ee gabadha soomaaliyeed dulhoganaya iyo kaalinta ay bulshada ku leedahay.

 Tacadiyada caadooyinka soomaalida  laga dhaxlay  ee gabadha  soomaaliyeed dulhoganaya iyo kaalinta ay bulshada ku leedahay.

Marka hore salaam guud oo kal iyo lab ah iga gudooma marka xigga qoraalkani waxa uu daba socdaa maqaalkii hore ee ahaa dhaqan ,caado iyo hidde haddaba sida kan ka muuqata ciwaankiisa waxa aynu kaga hadli doonaa qaar ka mid tacadiyada caadooyinka lakala dhaxlay ah ee haweenka soomaaliyeed lagula kaco siiba yasitaanka haweenka iyo sida loo dhaadan yahay kaalinta ay inanta soomaaliyeed  bulshada kaga jirto akhris wanaagsan.

Sida aynu wada ognahay bulsho kastaa waxa ay  ku tiirsan tahay ee lafdhabarta u ahi waa haween, bulshada aan haween u dhaqdhaqaaqin waa bulsho ay wax badan ka dhiman tahay maxaa yeelay haweenku  waa aasaas ka nolosha , sidaas iyada oo ah ayaa haddana dumarka soomaaliyed dhibaato badan ay la kulmaan, hadday ahaato in la liido oo la dhalaceeyo ama in laga horjoogsado loona diido inay aqoon yeelato iyadoo weliba lagu sii leeyahay erayo niyadjab u sii kordhinaya sida  “waxbarasho naag jiko ayaa u danbeysa”, qaar ayaa fursad u hela in ay waalidkoodu  waxbaraan kuwaasna kuwaa laftoodu dulmi ayay ku qabaan waxbarashadaa oo wiilkii iyo iyada oo isku mar yimi ayaa lagu amrayaa in ay wiilka wax u diyaariso oo cunada u soo dhigto, guriga ka nadiifiso, dharka u dhaqdo waana dulmi halkii u dambaysay in qof qof loo gumeeyo ay isku xuquuq yihiin diintuna ay isku mid ka dhigtay halka wiilku markuu sidaas iyadoo ah oo shaqadii guriga ku foogan ayay midmid gabdhaha  wax u baratay ka firfircoon yihiin wiilasha oo badi ayba dhibcaha imtixaanka ka sareeyaan wiilasha markaasaa haddana aqoonteedaasi aflagaado u soo jiidaa oo lagu dhaleeceeyaa.

 Waxa aad karaysaa gabadh lix jir ah oo sida ay u shaqaynayso aad yaabayso oo aad ka naxayso mararka qaarna aad is oranayso waaba xamaal meesha ay ka shaqaynaysaana ay tahay gurigii ehelkeeda ee loo baahnaa inuu ka fekero xuquuqdeeda balse aysan ka helayn daryeelkii ay u baahnayd ee dhalaanimo taasina waa cuqubo laga gelayo da’yarta soo koraysa ee gabdhaha ah inta silicasi jirona ma noqonayno bulsho hanaqaada oo korta.

Gabdhaha cadaalad darada lagu hayo mid inta lagu so koobi karo ma’aha, marwalba waxa ay la kulmaan tacadiyo farabadan kufsigu ha ugu daraadee balse  noloshu halka ay ka soo bilaabmantaa waa qoys haddii qoyska dhexdiisa xuquuqdii gabadhu ku dayacan tahay sidee baa ay mel kale xuquuqdeeda uga helaysaa.?

 Tacadiyada hablaha lagula kaco maadaama qofkasta oo dumar ahi ay gabadhnimo soo marto wax aka mid ah in la yidhaahdo gabadh baad tahaye waxba ha sheegin,oo la caburiyo loona diido inay fikirkeeda cabirto ileen waa bini’aadame oo dhegteeda afkeeda iyo isheedaba la daboolo markaa qofkaa isagoo nool haddii laga xiray inuu hadlo oo fikirkiisa cabiro oo la yiri hoos fiiri sidii adoonta indhaha kor ha u taagin oo adduunyada ku hortaala ha daalacan dhegteediina la xiray oo la yiri “ naa kac naag baad tahaye” miyaanay qof agnaan ah noqonayn.

 

Kaalin intee le’eg ayay  kaga jiraan bulshada soomaaliyeed gabdhaha.

Kaalin aad iyo aad u mug weyn ayey kaga jiraan gabdhuhu bulshada soomaaliyeed, waxa aynu soo marnay dagaalo aad u farabadan oo waliba qax iyo dhib badan  la maray intaas waxa  maray waa haween oo habeen iyo maalin ba u  taag naa dhibtaa cidda qixinaysayna waa  ragg. waxa sii dheer in ay kaalin weyn ka qaateen dhinac kasta oo nolosha ah  had ahaato ganacsi ama barbarin ama nabad, saas ee tahay marna mee niyad jabin oo xalad kasta wey wajahayeen weena u diyaar sanaayeen run ahaanti haweenka soomaaliyed waxaa la dhihi karaa kaalin weyn ayeey kaga jiraan calamaka, waxee mudan yihiin in la bogaadiyo oo la dhiira galiyo libintooda la siiyo, run ahaantii haweenka soomaaliyed waa hawlkar, sidoo kale waxa ay a kaalin muuqata uga jiraan hormarinta waxbarashada,  dhaqaalaha,dalka iyo dadka IWM.  

Inkastoo ay yihiin cududda iyo aasaaska qoyska haddana tiro ahaan iyo tayo ahaanba si mug leh ugama dhex muuqdaan dhaqaalaha iyo siyaasadda, dhanka waxbarashada way ka muuqdaan ilaa heer jaamacadeed sidaas oo ay tahay kuma badna halka bulshada maanta la oran karo boqoleyda labka iyo boqoleyda dhediga boqoleyda dhediga ayaa badan waxa taa sii dheer  Goobaha shaqada iyo shaqaalaysiinta ma helaan waxay mudnaayeen.

Waxaa jira ganacsiyo yaryar oo badan oo ay maamulaan haween kuwaas oo  nolol maalmeed uga raadiya  qoysaskooda iyo ilmohooda markii raggu ay gabeen kaalintii daryeelka qoyska, tiradaasina ma badna oo way ku yar yihiin  ganacsiyada waaweyna waa hal iyo laba haweenka.  

Dhanka siyaasadda waxaa jira wax xoogaa horumar oo ay dumarku ka sameeyeen waana markii ay raggu kaalintoodii gabeen ee ay I jiid aanku jiidee ka dhamaan waayeen balse halkii la rabay ma aanay gaarin sida dadlaka horumaray ay haweenku ugu hogaamiyeen guusha ayaan hubaa in haweenku ay maanta soomaalida dhibka haysta uga samata bixin lahaayeen.

 Dumarku waxa ay aasaas u yihiin jiritaanka qoyska la'aantoodna  qoys ma jireen, sidaas oo ay tahay haddana isla dumarka gabadha waxbaraty iyo ta kale ma sina “Qofka gabadh wax baraa qoys dhan ayuu waxbaray” mar haddii  bulshada haweenkeedu dhisan yahay bulshadaasi way horumartaa maadaama haweenku ay aqoon leeyihiin, bal ka waran qoyska hoyadu aqoonta leedahay iyo qoyska ay hooyadu jaahilka tahay isku si uma dhisna labadaa qoys.

haddaba kaalinta ay kaga jiraan bulshada soomaalida waxa aynu  dhihi karnaa waa ubucda oo ah halka ugu muhiimsan lama dhaadana oo tacadiyo ka dhan ahbaaba loo geystaa.

 

W/Q: Hamdi Ali Farah. 


Ku Mahadsanid aqrintaada. 

Thursday, 29 October 2020

maxay kala yihiin Dhaqan, caado, hidde?

                                       

Maxay kala yihiin Dhaqan,caado iyo hidde ?

 

Ogobeey abuurta aadanuhu sideedaba waxa ay leedahay dhaqamo kala duwan,caadooyin iyo dhaxal hideed oo jiilba jiil uu usoo gudbiyo, dadyowga adduunka ku nool bulsho kastaa waxa ay leedahay dhaqan iyada u gaara kaasaa ah asalka noloshoodu ku qotonto iyo salka ayka dhaqaaqdo.

Haddaba waxa is weydiin leh sidee ayay bulsho kastaa u yeelatay dhaqan iyada u gaara ?

Sideedaba dhaqanka waxa sameeya ee uu ka unkamaa waa  deegaanka ay bulshadu ku nooshahay sida hab nololeedkiisu uu yahay, si kooban waxa aynu odhan karnaa; deegaanka ayaa go’aamiya hadba sida bulsho dhaqankeedu ahaanayo.

 

Sidee deegaanku u go’aamiyaa habdhaqanka bulsheed ?

 

Tusaale: qofbaa meel jooga waxa xeera ama abuur ah ee ku hareeraysan sida dhirta ama noolaha kale ee deegaankaa ku nool sida xoolaha iyo isagu sida uu abuurtaa wax ugala soo baxo ayaa dhaqankiisu ka sawirmaa.

 Isla inaga oo soomaalida ah waxa aynu leenahay saddex qaab dhaqan oo kala duwan xoolaley,beeraley iyo xeebley midkastaana dhaqan u gaara ayuu leeyahay sababtuna wax kale ma’aha ee waa: kala duwanaanshaha hab-nololeedkooda.

 

Xoolo raacato: waa habka loo xanaaneeyo xoolaha waana isku tiirsanaanta dadka iyo meesiyada ay dhaqdaan si dadkuna ay noloshooda ugu deberaan xoolahana dadka haystaa ay baad iyo biyo ula raadiyaan oo hadba halkii ku haboon ula guuraan.

Beeralay: waa habka loo xanaaneeyo iyo dhirta iyo sida dadka iyo nolosha beertu isugu xidhan yihiin.

Xeebley. Waa habka badda iyo dadka ku ag nooli isugu xidhan yihiin.

dhaqanka waxa si loogu dhaqmaa sabab baa keenta cimilada meeshaa keenta deegaanku siduu u yaalaa keenta cid waliba dharka ay xidhato inta uu culays le’eg yahay cimilada ay  ku nool yihiin ayaa keentay”

 Marka aynu eegno afka ingiriisiga erayga dhaqan la midka ahi waa “cultural” eraaygan asal ahaantiisu waxa uu ka soo jeedaa erayga laatiinka ee “cultura” oo salka ku haysa sida dhirta loo xanaaneeyo

 markaa erayga dhaqan ee luuqada  afka ingiriisigu waxa uu salka ku hayaa noolahaa dhirta halka keenu uu koobsanayo saddex nololood oo kala duwan waa mida xoolaraacatada tan kaluumaysatada iyo tan beeralayda.

 Erayga dhaqan waa “ the adaptation of way of live” waa  hab nololeed uu bini aadamku qabatimo

 

 

Tusalayaal ku saabsan kala duwanaanshaha deegaanka iyo fal galka deegaanka.

 

kan jooga qaarada yurub iyo kan jooga afrika waxa ay ku kala duwan waa deegaanka ay ku nool yihiin balse labaduba waa dhashii nebi aadam,waxase jirta sabab ka dambeysa kala duwanaanta dhaqankooda oo ah hab nololeedka deegaanka, nooca cimilada, jaadka ama nooca cuntada iwm.

 

Tusaale: dadka reer yurub qaabka ay u socdaan wuu ka duwan yahay qaabka dadka afrikaanku ahi  ay u socdaan, qaabka midabka dadka reer yurub wuu ka duwan yahay kan afrikaanka marka laga tago hidaha dhalmada,qaabka sankoodu waa uu ka duwan yahay kan dadka afrikaanka ah, sababtu kala duwanaanta cimilada labada deegaan.

 

Qaabka socodka: Markaynu leenahay socodka waa ku kala duwan yihiin labadaa dadyow u jeedku waxa weeye in ka yurub joogaa uu ku nool yahay deegaan qabow markastana jidhkiisu u baahan yahay dugsi, markaa inuun haddaad aragtay qof reer yurub ah ama soomaali ka yimi yurub oo muddo bartaa ku noolaa waad dareemi kartaa in qaabka qofkani u soconayaa aysan ahayn sidii caadiga ahayd. Marka la sheegayo qofka qurba jooga ah waaba astaan ka mida astaamaha lagu garto qofka yurub ka yimi qaabka uu u soconayaa halka kan afrika joogaa uu u socdo si waafiya maadaama jawiga uu ku nool yahay uu yahay mid kulul.

 

Qaabka sankooda: qofka afrika joogaa ama afrikaanka sanka waaweyn marka laga tago abuurta iyo hidaha dhalmada waxa sababa sanka weyni waa cimilada, qofka afrikada kulul ku nooli wuxu u baahan yahay hawo badan inuu qaato markaa waa inuu lahaadaa qaabsaneed iyo daloolo saneed oo waaweyn oo ay hawo badani uga soo gasho halka kan reer yurub ama ku nool deegaanka qaboobi uu yahay lidiga kaa.  

Nooca midabka: qofka deegaanka qabow joogaa ma helo qorax ku filan oo uu ka helo Vitamin D, maadaama vitamin d uu yahay faytamiinka laga diyaariyo dheecaan melanin ee sababa inuu maqaarku madoobaado taasaa sababta inuu midabkiisu khafiif noqdo halka kan afrikaanka ahi uu helo qorax aada halkaas oo ka helo faytamiin d fara badan sidaa aawadeedna loo sameeyo dheecaan melanin oo badan taa aawadeedna uu jidhkiisu u noqdo madaw.

Dhaqan wuxu ka soo farcamaa sida deegaan waxa yaala waxa laga helo bini aadamku ula falgalo

 

 

Waad aragtay ama goob joog waxad ka ahayd oo la kulantay iyadoo la leeyahay waa la dhaqan guuray waa la dhaqan bedelmay ?

 

Bal haddaba maxaa is bedelay dadku miyaanu kii uun ahayn oo soomaali wada ahayn ?

Wallow aan jeclahay in aan jawaabta hore u bixiyay bal haddana waxa aan isku dayayaa yadoo waafiya,fidsan oo faahfaahsan in aan idinka hiraabiyo oo nuxurka aan u gol leeyahay ugasii gudbo.

 Markasta waxa jira,loolan adag oo  ka dhexeeya nolosha cusub oo dhallintu ay u ololayso  iyo tan hore oo waayeelku gadhwadeen ka yahay,waxana markasta libintu raacdaa tan dambe ee casriga ah waayo noloshu dib uma socoto ee markasta hore ayay u ruqaansataa, dhallintuna waxa ayba halhays ka dhigataa “ wixii cusub caalamkaa jecel” waa hadal ayku difaacdaan habdhaqanka iyo qaab nololeedka ay rabaan in ay u noolaadaan.

Noloshii miyigu qaab nololeed u gaar ah ayay lahayd halka tan magaaladu ay wadato hab nololeedkeeda u gaarka ah.

Sababtu waxa weeye noloshu waa webigaa socda oo meel waliba,fac waliba, iyo waqti waliba  yadaa dabeecadeeda iyo dhaqankeeda wadata.

 

                                                 Waa maxay hidde ?

 

Hidde waa inta ka hadha dhaqanka intaasaa isku biirta oo joogtowda oo iyadu aan isbedelin tusaale: afku waa hidde  oo waa dhaxal  uu jiilba jiil u reebo waxa se jirta in maalinba eray baxo oo wax baa eray bixin loo sameeyaa oo erayga waa la beeri karaa eraygaasaa la rogrogaa oo qaybaha kale ee hadalka  laga unkaa waa haddii uu yahay eray tarma oo gedgediga aqbala, ciyaaraha laftoodu waa hidde.

 

 

                                               Waa maxay caado ?

 

Caado iyadu dhaqanka waa ka mid hidahana waa ka soo jeexantaa, Asawda ama akhlaaqiyaadka meel marka ah  sabab ayku fadhido  iyo waxa qofku rumaysan yahay sida  qiyamkaasi  ay yihiin ama milada uu leeyahay ayaa sababta ,balse caadadu  waa wax aan sabab lahayn oo qofku iska rumaysto oo uu joogteeyo magacooda iyo ku dhaqankoodana ku dhago.

sida caadooyinkii cilaanayska  oo aynu naqaano “ waa habeenoo waxa cad layskama soo doonto oo cusbada laysma siiyo ukunta laysma siiyo  mindida xagga hore la isuguma dhiibo dhirta lama hoos  joogo oo jinkaa xoolihiisu hadhsadaan,  oo geelu hadduu lamaaneeyo oo laakeeyo ragguu u xun yahay oo waa la dilayaa oo caruurta magacooda kor looguma dhawaaqo ku waas oo dhami meel kale ma laha’e cirkaa loo aaneeyey ”   

 

la soco qaybaha dambe ee qoraalkan.

 

 

 

Sunday, 18 October 2020

Gorfaynta buuga "How to win friends and influence people"


 


20:02 (4 minutes ago)

Buugga magaciisa; How to win friends and influence people.

 

Buugan waxaa qoray Dale Carnegie milay ku abaaran (1936) laakiin waxa la daabacay markii u horaysay (1937) tariikhda maraykanka, waqtigaas ilaa iyo haddana waa buugga loogu gadashada badanyahay isla markaana ugu horeeya buugta lagaga hadlo arimaha xiriirada iyo dad la dhaqmida, in ka badan lix iyo toban milyan oo koobi ayaa la iibsaday goor hore. Buugu wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa dad la dhaqanka haday noqoto hogaamin mid reer, wada shaqayn shaqsi ama bulsho.

 

Dale Carnegie oo dhashay (1888) dhintayna sanadkii (1955) wuxuu ahaa jaamici, qoraa iyo macallin amerikaan ah sidoo kalena wuxuu bixin jiray casharo horumarinta shaqsiga quseeya sida: fagaare ka hadalka,wax soo saarka iyo dad la dhaqanka. 

 

        F.G.qodobada aan kula wadagi doono kaliya kama koobna buuggu.

 

Qodobo aasaasi u ah dad la dhaqanka. 

 

 Dadka ha dhaleecayn,ha cambaarayn,hana u caban

 Sii qadarin daacad ah, dareensii inay muhiim agtaada ka yihiin.

 Fahan rabitaankiisa qofka kale inta aadan amrin.  

 

 

Talaabooyin dadku kugu jeclaanayaan haddaad fashid ama samayso.

 

 Si dhab ah u muuji in aad xiisaynaysid qofka iyo waxa ku saabsan. 

 Dhoola cadee,qof waji furan ahow . 

 Xusuus hadday ahaato ama qof magac loogu waco kiisa uu ugu jecelyahay  ugu wac mar walba.

 si feejigan u dhagayso dadka una horsed inay  si xora u hadlaan.

 Kala hadal arrimaha uu danaynaayo qofku.

 Dareensii inuu muhiim yahay qofku ,si daacad ahna ugu muuji.

 

 

sida loogu guulaysto gudbinta aragtidaada si dhib yar. 

 

 qaabka kaliya ee aad dadka dooda uga heli kartid waa inaadan kasoo horjeesan.

 Tus xushmad qofka kale, sida ra’yigiisa inaadan kaga falcelin waad qaldantahay.

 Haddii adigu aad qaldantahay, u qiro si deg-deg ah.

 Kula bilaw hab saaxiibtinimo iyo fur-furnaan ah hadalkiina. 

 Ka kasbo qofka kale in uu kugu raaco fikirkaaga ama u jeedadaada. 

 U ogolow qofka kale inuu qayb libaax leh ka qaato hadalka. 

 Qofka kale ha u  dareemo in fikradaadu tahay tiisa.

 Si daacad ah iskugu day inaad u aragto waxyaabaha qofka kale aragtidiisa ah.   

 

            Qodobo ka dhigaya hogaamiye dadka soo jiita.

 

 

 • Hadalka ku biloow amaan iyo mahadcelin daacad ah.

• Si sarbeeb ah ugu sheeg dadka qaladkooda.

• Ka hadal qaladkaaga ka hor inta aadan xukumin qaladkooda.

• Waydii su’aalo halka aad amar uun ka siin lahayd.

• Ugu hambalyee una mahadceli shaqo kasto ay qabtaan ha yaraato ama ha weynaatee.

• Kasbo si dhiifooni leh inu u qabto qofku waxa aad uso jeedisid.

 

Gunaanad. 

 

 

Run ahaantii buugan waa mid wax badan laga faa’iidi karo sidoo kale xambaarsan aqoon iyo cilmi fara badan, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad akhridaan buugan sabatoo ah waxaan jeclaystay in aanan keligay  isku soo koobin sidaas ayaana idinkula wadaagay mid kamid ah nuxurrada aan u arko inuu idinku dhiirigelinayo in aad buuga akhridaan.

 

Buugani wuu ka qiimo badan yahay inta aan soo xusay sidoo kale wuu ka qiimo badan yahay in lagu soo koobo labo bog iyo wixii la mid ah.waa buug aad u wayn weliba xogta ku jirtaa tahay mid fara badan waxaana wacan inuu qofku wada akhriyo isagoo aan dulmarayn ee dhadhanka buugu xambaarsan yahay aad u dheehana ishiina iyo dareenkiisana ku ilaalinaya in aysan wax kale ku foognaan isaga mooyee waayo waa bug aan lagaga bogan karayn dulmar.

 

 

Laga yaabee  in aad ogtahay ama ku dhaqantid inta kor ku qoran maadaama ay ay dad la dhaqanka wanaagsani ka mid tahay waxa gundhiga u ah nolosheena.

 

Waxan idinku dhaafayaa “mar walba iyo meel kasta oo aad joogtid isku day in aad dadka kugu hareeraysan dhaqan wanaagsan kula dhaqantid.”

 

Mahadsanid akhriste.

Waxa aan akhriyay buuga 25/12/2019

 W/Q: Hamdi Ali Farah

Thursday, 15 October 2020

gorfaynta buuga "the seven habits of highly effective people"

 


 

 

https://mail.google.com/mail/u/0/images/cleardot.gif

           Buugga magaciisa:  The 7 Habits of Highly Effective People.



 Buugan waxaa qoray Stephen R.Covey milay ku abaaran 1989, taariikhda maraykanka marka laga hadlayo iibsiga buugta waqtigaas ilaa iyo hadda waa buugga loogu gadashada badan yahay, is la markaana ugu horeeya buugta lagaga hadlo xagga hogaaminta iyo horumarinta nolosha shaqsi ahaaneed, in ka badan labaatan milyan oo koobi ayaa la iibsaday goor hore,Waxa uu na ka kooban yahay toddobo cutub oo mid walba dhowr u sii kala baxo; Waxa uu na ka hadlayaa toddobada caado ee ay leeyihiin dadka waxtarka leh.

War bixin kooban oo ku saabsan qoraaga (Stephen R.Covey wuxuu dhashay 1932 dhintayna sannadkii  2012 wuxuu ahaa aqoonyahan aqoonyahan, qoraa iyo ganacsade)

 

FG: qodobada aan kula wadaagi doono kaliya kuma koobna buuggu.

 

Gudagalka buugga gudihiisa.

 Stephen R.Covey wuxuu uga hadlayaa toddobo caado ee leeyihiin dadka wax tarka leh.

 Wuxuu ka waramayaa oo uu leeyahay dadku waxay  maraan saddex marxaladood.

 • Marxalad koowaad: waa mid qofku uu ku tiirsanyahay dad kale, waa marxalad marka uu qofku soo kacaamayo uu ku tiirsanayahay waalidkiisa ama qaraabada iyo ehelkiisa; waa xilliga ay cid kale gacanta ku hayso sababtuna ay tahay da’da qofka oo yar.

 • Marxalada labaad ayuu qofku soo gaaraa oo ah xilliga uu qofku isagu isku tiirsanaado.

 •Marxalada labaad marxalada saddexaad ayay usii gudbisaa oo ah in dadku isaga ku tiirsanaadaan isaguna dadka ku tiirsanaado  marxaladanina waa mid ay dadku isku wada tiirsanyihiin oo iskaashadaan.

 Haddaba marka aynu intaa kaga soo gudubno marxaladaha sida caadiga aadanuhu maro aynu u gudubno toddobada caado ee ay leeyihiin dadka waxtarka leh oo qoraagu buugiisa kaga waramay.

 Si guud bal aynu toddobada caado u kala qaad-qaadno si aynu u soo dhoweyno fahanka.

·        Saddex caado oo ka mid ah wuxuu kaga warramayaa inuu qofku isagu isku tiirsanaado.

·        Saddex kalena  wuxuu kaga waramayaa dadka iyo xariirkooda iyo sidii la isu kaashan lahaa ee qofku wuxuu doonayo nolosha dadka uga kaalmaynsan lahaa.

·        Caadada toddobaad waa mid xiriir la leh lixda caado ee kale ee aan soo dulmarnay.

 

1.       Caadada ugu horeyso oo buuga ku jirto waxaa weeye .

Qofka in uu noqdo fal-curiye waxa uu doonaayo sababa, hirgaliya oo horseeda.

Waxaa cagsigeeda ah inuu qofku noqdo falceliye oo isagu uusan noqon qofka ficilka la yimaada balse keliya uu ahaado dhursuge ka falceliya sida ay wax u dhacaan, dadka jaadkaa ahi waxa ay leeyihiin calaamado ah inay dadka kale ku eedeeyaan waxyaalaha noloshooda ku dhaca wax kastoo la soo dersana waxa ay u raadiyaan marmarsiiyo. Badanaana waxa ay ku foognaadaan ama ku mashquulaan wax aysan waxba ka qaban karayn.

Stephen R.Covey. wuxuu leeyahay waxaa jirto laba goobo oo nolosha ah oo kala ah:

A.      waxyaalo qofku aanu waxba ka qaban Karin oo ah kuwa uu inta badan ka falceliyo diiradana saaro waqtigiisana ku lumiyo.

B.      Waxaa jirta goobo kaleoo tan kore ku hoos jirta am aka yar qoraaguna waxa uu u bixiyaya “waxyaalaha uu qofku wax ka qaban karo” Stephen R.covey waxa uu leeyahay dadka fal-curin ku sameeya noloshooda ee waxa ay doonayaan abuuraa iyagu inta badan waxa ay waqti geliyaan inay diirada saaraan goobta ay wax ka qaban karaan.

 Stephen R.covey isagoo qoraalkiisa sii wataa waxa uu odhanayaa  sidatan:

 “nolosha waxaa jira waxyaalo aadan waxba ka qabin Karin tusaale: waxba kama qaban kartid haddii shaqo la’aani jirto balse waxaad waxka qaban kartaa inaad adigu aqoon isku hubeysid oo fursado abuuratid.

Tusaale kale: wax ba kama qaban kartid sida ay cimiladu tahay balse waxa aad qaban kartaa inaad naftaada u diyaarisid sidii cimilada ay ula jaanqaadi lahayd.”

 Qoddobkaa intaan laga bixin qoraagu waxa uu muujinayaa muhiimada ay leedahay masuuliyada naftu “ qofka inuu ka  noqdo naftiisa boqolkiiba boqol waxa ay ka mid tahay waxyaalaha tilmaamaya inuu qofku qaangaaray”

 2.       Caadada labaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: inuu qofku dejiyo waxa uu doonayo oo uu nashqadeeyo una  fekero  yoolkiisa ama hadafkiisa maadaama uu masuuliyadii noloshiisa madaxa ku qaatay. Ka sokow qadarka rabi waa inuu qofku sii qoondaystaa waxa uu mustaqbalka rabo inuu noqdo heerka uu rabo inuu nolosha ka gaadho waana inuu la yimaado mabda’yo uu ka duulo oo xaqiijintooda isu taago kuwaas oo noqonaya marjica uu alaabto ee noloshiisa isna weydiiyo markasta maxaad u taagan inaad ka dhabayso. Tusaale: hogaamiyuhu wuxuu ka waramaa mudada uu xilka hayo halka uu doonayo inuu dalka gaadhsiiyo oo uu uraro.

Taa miyaanay ka muhiimsanayn inu qofku shaqsiyan noloshiisoo dhan hadaf u dhigto iyo yool uu doonayo inuu gaaro. 

Stephen R.covey waxa uu leeyahay wax walba waxay abuurmaan labo jeer

  1. Mar waxaa lagu abuuraa maskaxda oo wixii waa fikrad iyo qofku wuxuu doonaayo oo uu sawirto.
  2. Mar ka labaad waxa weeye inuu wixii uu sawirtay uu dhaqan geliyo oo sameeyo xaqiiqona u bedelo humaagii maskaxdiisa.

 3.       Caadada saddexaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: qofku inuu mudnaanta koowaad siiyo waxa leh mudnaanta.

Waxa uu leeyahay qoraagu waxyaabaha nolosha maalin oo dhan aynu qabano waxa lagu soo ururin karaa afar qaanadood (khaanadood).

·         qaanad uu leeyahay “ waa wax muhim ah oo deg-deg ah”

·         qaanada labaad oo uu leeyahay “ waa wax muhim ah oo aan deg-deg ahayn”

·         qaanada saddexaad oo uu leeyahay “ waa wax deg-deg ah laakiin aan muhim ahayn”

·         qaanada afraad oo uu leeyahay “ waa aan degdeg ahayn muhimna ahayn”

mar hadday sidaa kala yihiin qoraagu waxa uu leeyahay “ waxa aad u qaabaysa hab aad sida ay u kala mudan yihiin u eegayso ama u fiirinayso iyo sida hadafka aad kala leedahay kala yahay.

 4.       caadad afraad ee ku jirta buuga waxa weeye: qofka inuu u fakaro hab ku saleysan dadka inuu isaguna guuleysto dadka kalena guulaystaan.

Halkan waxaa inooga bilaabmaya saddexdii caado ee ku salaysnayd in dadku isku tiirsanaadaan  oo uu qofku ka soo gudbo heer isaga iyo naftiisa oo keli ahi isku tiirsan yihiin oo uu usoo gudbo in dadka kalena isaga ku tiirsanaadaan isaguna sidaa si lamida dadka ku tiirsanaado.

Waxa waaajiba inuu qofku ogaado qoddobadan hoos ku xusan si uga midha dhaliyo  habka isku tiirsanaanta inagoo eegayna hababka ay dadku uga fekeraan qoddobka is gacan qabashada ama isku tiirsanaanta.

  • Waxkasta oo aynu doonayno in aynu nolosha gaarno waxay ku xiran tahay cidkale.
  • Wuxuu leeyahay qoraagu “qofku waa inuu u fekero hab ah inuu isagu guuleysto dadka kalena guulaystaan.”
  • Wuxuu leeyahay qoraagu “dadka qaarbaa u fekero keliya anigu aan guuleysto dadka kalena waxba igama gelin taasina ma haboona”
  • Haddii qofku uu keligii noolaade noqdo oo isku tiirsanaanta dadka dhexdooda uu iska indho-tiro waxa laga yaabaa keli socod nimadiisu inay mudo yar u shaqayso balse aysan waarin.
  • Dadka qaarbaa u fekera haddii aanan anigu helaynin cid kale heli mayso sidaasina ma haboona waana nooc xaasinimada ka mid ah.
  • Dadka qaar ayaa waxay u fekeraan inay dadka kale inay guulaystaan  naftooda way ilaabaan waxtarkoodana waxay geliyaan cidkale taana qoraagu wuxuu leeyahay wax ku anfacaayo ma’aha.

 5.       Caadada shanaad eek u jirta buuga waxa weeye: haddii aad u baahan tahay in lagu fahmo adiga isku marka hore inaad dadka fahantid.

Tusaale: haddii qofku kula wadaago waxa maankiisa ku jira keliya ma’aha inaad u miijisid inaad maqlayso  laakiin waa inaad dhegeystaa waayo maqalka iyo dhegeysigu way kala xeel-dheer yihiin.

6.       Caadada lixaad ee buuga ku jirtaa waxa weeye: iskaashi ama wadajir qoddobkani waa muhim waana in dadku yoolkooda ay wada gaadhaan maadaama haddaan si kale u macneeyo waa: waa wax qofka iskiisa u gaari Karin qofka kalena iskiisa u gaadhi Karin laakiin labadooda marka ay is kaashadaan ay wada gaadhi karaan.

7.       Caadada toddobaad ee ku jirta buugga waxa weeye: “ miinshaarta afayso ama soofayso”

 caadadan waxay xiriir la leedahay lixdii caado ee kale qoraagu wuxuu usoo qaadanayaa tusaale si aan u fahano wuxuuna yidhi sidatan: nin geed jarayo ayaa waxaa soo ag maray nin kale wuuna dhaafay muddo ka dib ayuu ninkii soo laabtay wuxuuna arkay ninkii oo weli geedkii la rafanaaya sidiina  u jaraya, markaasuu ku yidhi “waar heedhe waqti maad qaadatid aad miinshaarta ku afaysato”; markaasuu ugu jawaabay ninkii geedka jarayay “ miyaadan arkayn in aan mashquulsanahay miyaan u helayaa waqti aan miinshaarta ku afaysto”

 

> Afar jaanib ayuu qofku ka kooban yahay

 

A.  +Jaanib ruuxi ah

B.   +Jaanib caafimaad iyo jir ahaan

C.   +Jaanib caadifi iyo cilaaqaad ah

D.   +Jaanib caqliga ah

Jaanibyadani ama dhinacyadan uu qofku ka kooban yahay waxay u baahan tahay in la isku dheelitiro.

 Haddaba si uu qofku u gaaro waxa uu rabo iyo waxa uu hiigsanayo,wuxuu u baahan yahay:inuu ruuxdiisa quudiyo si uu u helo taageeradeeda.

ü  Wuxuu u baahan yahay inuu jirkiisa iyo caafimaadkiisa ka fekero si uu helo tamar,iyo firfircooni.

ü  Wuxuu u baahan yahay maankiisa iyo maskaxdiisa inuu quudiyo kuna qalabeeyo aqoon iyo wixii la mid ah.

ü  Wuxuu u baahan yahay inuu waqti la qaato reerkiisa,ehelkiisa iyo asxaabtiisa.

sidaa awgeed ayuu qofka qoraaga ahi ugu baahan yahay inuu miinshaarta soofaysto oo wax badan aqriyo si wax tayo leh u qoro.

Ugu dambayntii waxa aan ku soo gebagabayntii qoraalkan aan ka diyaariyay “the seven habits of highly effective people” in aanu intan buugu ku dhamaystirnayn nuxurkiisii balse aan doorbiday in aan wax yar idin ka tuso buugan qiimaha leh si aad ugu dhiirataan akhrintiisa.



dhamaad.

  My Personal Experience in the 2 nd Mogadishu Global Goals Jam My journey began when I saw the application for the Global Goals Jam in the...